Somalia: Burcadbadeeda fadhigeedu yahay Hobyo oo madaxfurasho ku siidaayey Shaqaalihii Markabka Naham 3

Burcadbadeeda Soomaalida ee fadhigeedu yahay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sii daayey shaqaalihii markabka Naham3 oo gaarayey 26 qof

Markabka Naham 3 oo ku gooshayey calanka dalka Taiwan ayaa ahaa nooca kaluumeysiga, waxaana loo badinayaa in uu kamid ahaa kuwa kaluumeysiga sharci darada ah ka sameeya xeebaha Soomaaliya, waxaana uu gacanta burcadbadeeda galay bishii Maarso 26 2012.

Shaqaalaha Markabka ayey muddo afar sano kabadan ku hayeen Miyiga gobolka Mudug. Waxaa muddadii amrkabku gacanta Burcadbadeeda ku jirey geeriyoodey saddex kamid ah shaqaalaha Markabka oo uu kamid ahaa kabtankii Markabka, tirada guud ee shaqaalaha markabka ayaa ahayd 29 qof, waxaana hadda la sii daayey 26 harey.

Markabka ayaa degey mudadii uu gacanta Burcadda ku jiray.

Wararka ay heleyso Horseed Media ayaa sheegaya in Burcadbadeeda fadhigeedu yahay magaalada Hobyo ay madaxfurasho u heleen lacag aad uga yar midda ay doonayeen markii hore taas oo gaareysa 3 milyan oo laacagta dollarka Maraykanka ah.

Sanadkii 2015 ayey ahayd amrkii Burcadbadeedu ku daaleen haynta dadka ay madaxfurashada u haystaan, waxaana ay qaarkamid ah warbaahinta u kaxeeyeen miyiga ay ku hayaan si ay caalamka ugu soo bandhigaan xaaladooda aadka u xun ee dadkaasi ku jiro, hoos ka eeg qaarkamid ah sawiradii laga soo qaadey 2015.

nihaam2 nihaam3

Comments

comments