Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Somaliland Oo Sheegay In Xildhibaan Xasan Cawaale Qaranka Ceeb U Soo Jiiday+Maxay Tahay Ceebtaasi
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Qoraalu Ku Baahiyay Barta Uu Ku Leeyahay Facebooga Waxa Uu Kaga Hadlay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Ka Baxsan Anshaxa Siyaasada Ula Hadlay Madaxweynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdi Laahi Faramaajo,Wasiir Ku Xigeenka Oo Arintaasi Kaga Faalooday Baraha Bulshada Ayaa Qoraalkiisu U Dhigna
In kasta oo ay kaa xigto Shilimaad yar oo lacag ahi inaad TV yada soo hor fadhiisto oo ay kaa duubaan wax kasta oo aad ku hadasho khalad iyo sax ka dibna ay baahiyaan, iyaga oo aan tixgelinayn ummada daawanaysa.
Hadaba waxaan amakaag igu riday markii aan daawaday mid ka mid ah dadkaas bilaa xuduudka ah oo TV yada u yeedhay oo ku Qarwaya Farmaajiyow Fal baad ku timi, Farmaajiyow Dawlada fiican ee Itoobiya Nabadgeli, Farmaajiyow laad baan kula dhacaynaa ….Illeyn anagaa wax aragnay.!
goormuu noqday Afhayeenkii Itoobiya iyo Somaliland ?
Kan iyo Kuwa la midka ah ee Jinni- Boqorka ah waxaan u soo jeedin lahaa inay Ummada ka xishoodaan oo ay joojiyaan Nusqaanta ay inoo soo jiidayaan habeen iyo maalin kasta.
Dalka Somaliland waa Qaran Jirrido adag ku taagan oo Maamula Xuduudihiisa Dhulka, Cirka iyo Badda oo aanay jirin cid hadidi karta ama wax yeelli karta oo Qaarada Afrika ku nooli, Waana Dal Miisaan weyn oo aan la dhayalsan karin ku leh Geeska Afrika.