Somaliland: Gudoomiye Cirro Oo Noqday Dilaalka Ugu Tunka Weyn Siyaasada Somaliland

Gudoomiye Cirro Oo Noqday Dilaalka Ugu Tunka Weyn Siyaasada,Markii Uu Malafsigii Waayayna Bilaabay Mudahaaradyo,Iyo Shacabka Oo Weli Dhuganaaya Faa,iidooyinka Saldhiga Milletary

Gudoomiye Cirro Oo Noqday Dilaalka Ugu Tunka Weyn Siyaasada,Markii Uu Malafsigii Waayayna Bilaabay Mudahaaradyo,Iyo Shacabka Oo Weli Dhuganaaya Faa,iidooyinka Saldhiga Milletary
Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna murashaxa codka ka doonaaya ummadda reer Somaliland ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (cirro)- isla markaana Guddoomiyaha Waddani ayaa intii xukuumadda Axmed Siilaanyo keentay shirkadaha caalamiga ah ee maalgalinta ku sameeyay Dekeda Berbera iyo marshuucyo badan oo kala duwan waxa soo baxay macnayaal ku cusub dabeecadaha ay ka aamisan yihiin shacabka reer Somaliland ee is badelka siyaasadda Guddoomiye Cirro oo noqday dilaalka ugu tunka weyn siyaasiyiinta Somalilanda ee malafsiga lacagta marshuucyada maalgalinta loogu samaynayo shacabka meel kasta oo aas-aaska (Basic Sociaties), u ah ummadda ku nool dalkan ay dhulka taalo oo mar-ba marka ka dambaysa ku sii socota jidka kobaca dhaqaalaha ayuu ugu jiraa wiiqid, haddii uu waayo dilaalkiisa oo la siin lacagta badhkiisa xaquqalinka ee laga qaad

Dadka Daraasaadka Siyaasada, kun takhasusay Odoroska falaqaynta siyaasadda Somaliland mustaqbalka somaliland ayaa ku doodaaya in waxyaabo badan oo u baahan in dhinaca horumarka dhaqaalah(Economic Development and Security), iyo nabadgelyada ah uu wax weyn ka tarayo saldhiga imaaradka carabta ee xukuumadda Solamiland ka kiraysay 20 sanno ee Berbera, marka la eego dhinaca ammaanka ee bariga, baddeeda Cas, iyo waliba jiritaanka madax-bannaanida dawladda Somaliland, iyaddoo loo baahan yahay in maadada dhaqaalaha ee maalgalinta oo waxyaabo badan oo borogaraam ah u baahan in loogu sharaxo ummadda si loo fahansiiyo macaluumaadka horumarineed eek u duugan faa’iidooniynka heshiisyada DP World ee casiraynta dekeda Berbera iyo Saldhiga Imaaradka carabta, oo isagana ay ku lamaan tahay waxyaabo badan oo faa’iidooyin badan oo dhinaca ganasiga xitaa marka la eego islaanta baradhada, caanaha, mukhaaxiyaha iyo dadka dukaanada ku haysta ayaa ka helaaya innuu kobco dhaqaalahooda oo macluumaadka ku duugan ee xitaa dadka ka imanaaya qaarada geeska afrika ee gaadiidkoodu imanayo Berbera intay ku sugan yihiin waxyaabaha is ticmaalayaan shaqaalahoodu waxay ka iibsanayaan maheradaha ku yaala magaalooyinka iyo huteelada hurdada iyo kuwa cuntada ee Somaliland.

Halka qaar kalena ku doodayaan in xukuumadda ay ka timid jileeca oo Wasiiradda iyo dadka ku xeeran Madaxweynaha Axmed Siilaanyo, ay ku fashilmeen inay keenaan wariyeyaal aqoon u leh dhinaca maalgalinta caalamigaah (National Investments Company of World), faa’iidoonkinka ay u leedahay shacabka reer Somaliland qaabkii loo soo bandhigilahaa, isla markaana ku guuldaraysteen inay u soo bandhigaan waxyaabaha wax qabad ee xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo faa’iidooyinkan badan ee ku duugan maalgalinta imaaradka carabta ee xukuumadda Somaliland la gashay, dhibaataduna tahay xukuumad sharixi kari la’a waxyaabihii ay qabatay inay soo bandhigaan wariyaal aqoonta u leh dhamaan waxyaabaha ay wax ka qabatay ee dhinaca bulshada (Local Development).

Inkastoo Siyaasiyiinta iyo labada xisbi mucaarid madaxda ka ah iyo madaxda dhaqanka ee ka hadlaysa ee dhamaan aabahay goblin ah ee wada il-go’ay ee aan wax-ba sheegeen, lana socon maanta siyaasadda bariga dhexe, dhaqaalihiisii halka uu marayo iyo awoodaha loolanka dhinaca dhaqaalaha ee labada isbaahaysi ee ilahay ka sakow quwada adduunka sheegta ee Nato iyo Warso. Balse marka laga tago caalamka iyo (middle Aest), bariga dhexe aan ka war hayn ama la socon qaarada geeska afrika ee ay ka hadlayaan loolankadhaqaalaha ee ka taagan ayey ka xorayn laheyd shacabka oo waxay u sheegi laheyd siddii ay maanta uga bad-baadayaan jiritaanka qadiyada madax-bannaanida Somaliland. Qaabkee dhaqaalaha noloshoodu u noqon laheyd mid kobocdo. Waxa is badelay oo meesha ka baxay wax soo saarkii soomaalidu lahaan jirtay ee laf-dhabarkooda ahaa, sida xoolaha nool, madaama ay wax soo saar xaga dhulka beeraha aaney maanta laheyn siddee ku badbaadi karaan noloshooda ama lagu samitabixin lahaa shacabkan masaakiinta ah?
Haddii maanta ay dhacdo bad-xidhan oo duufaano iyo mawjado dhamaan joojiya isu-socodka dhinaca badda ee maraakiibta ah maxaa ku dhacaaya shacabka reer Somaliland?

Intee in leeg ayaa cunta u dhiman laheyd, Shacabkeena dan-yarta ah, haddii ay dhacdo bad-xidhan? Waana garanaysaan in markaa mid kasta oo wax yar hayaana wuu cirkaa gaynaayo.

Siddee looga badbaadin karaa dhibaatooyinka haysta ee ay ka mid yihiin dad doonaaya inay maalin taajiraan ?

Mid isticmaala wejiyo badan oo tilmaamaya inuu yahay Nin laba shinbirood gal dhagax Ku wada dilaaya, balse Cabdiraxmaan Cirro heshiiskii ka horeeyay shirkadda DP World inta uu diiday markii hore ayaa madaxda sarsare ee shirkadda DP World ugu yeedhay Dubay, kadib waa kii shir-guddoominayey aqalka Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee uu codka qaaday, taasoo khilaaf ka dhex abuurtay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waliba beesha Ciise Muuse oo eedo iyo dhalacayn u-jeedisay wuxuuna kala kulmay dhibaato saameyn ku leh xisbigiisa Waddani. Waxa hubaal ah in danta ugaarka ah xusbiga Waddani Cirro oo markastaba lagu tilmaamo in xusbigaasi ka ooman yahay dhinac dhaqaalaha oo aan dad badan bixin qadhaanka xisbia ay keentay in xaalku noqdo aan wax qalano mindiyahana aan qarsano, madaama markii hore ee sicad dhinaciisa u qaatay dilaalkii laaluushka DP World ee Dekeda Berbera ay keentay saameyn dhinaca hankiisa kursiga ee murashaxnimada oo Ciise Muuse uu kala kulmay inay ka baxaan xisbigiisa Waddani.

Hase yeeshee, runta iyo xaqiidda waxay in badan oo ka mid ah dadkii sida weyn ula socday arrimaha saldhiga Berbera ee Imaaradka Carabta waxa hubaal ah in Guddoomiyaha Waddani cabdiraxmaan Cirro uu ogol yahay saldhiga Berbera, raalina ka ahaa, laakiin caddadka lacagta ee dilaalkii saldhiga Berbera waxa loogu shubay akoonkiisa Dubay, markaa waxyaabaha caddaynta u ah meel aad diidan tahay iyo wax aad qayb ka aheyn hadday tahay muxuu salaaddii hore kaga jarmaaday aqalka Madaxtooyada ee Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiye Saleebaan iska soo raaceen? Balse Cabdiraxmaan oo siyaasadda uu wakhti badan ku soo shaqeeyay aheyd diblomaasi (DIPLOMACY oro Ambasaddor), ayaa ku salaysan tahay hab wax loo sheego qaab dad badan iyo faq oo kale ee si toos ah diblomaasigu wax uma sheego, markaa shacabka reer Somaliland waxyaabaha fahmi kari waayeen ayaa ah siiqada iyo socodka hab-dhaqanada iyo xirfadaha uu is ticmaalo qofka diblamaasiga ee ku salaysan siyaasadda faqa ah ama dad badan ee dhukuska iyo dhuumashada ah

 

Comments

comments