Somaliland: Siciid Sulub Oo Sheegay In M/Siilaanyo Iyo Qurba- joogta Reer Somaliland Ee Ingiriisku Isku Haystaan London Su’aalo Badanina Kaga Imanayaan Arrinta Saldhiga

Date:

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Xukuumaddii UDUB Siciid Sulub Maxamed ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda dalku galay,Waxa uu taageero u muujiyay Mudaharaadka ka dhacay London,Waxa kale oo uu Umadda Reer Somaliland uga digay inaanay mar dambe talada Dalka ku aaminin Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in la soo arkay taladiisa,Islamarkaana ay Xukuumadda Kulmiye iibisay Hantidii keli ahayd ee Dalkani lahaa,Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynihii ku sugan Yahay London oo ay halkaasi isku haystaan Qurbajoogtii reer Somaliland ee diidan ficilada uu dalka ku dhexal wareejiyay.
Siciid Sulub Maxamed oo hadalka jeediyay Munaasibad uu xisbigiisu u qabtay Taageerayaal ku soo biiray ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan“Baaqa aan reer Somaliland halkan uga dirayaa Waxa weeyi haku lugu’ina Talo dambe oo Kulmiye,Taladii Kulmiye halka ay marayso waad arkaysaan inaynu Somaliland faraheena ka wayno ayaynu halis ugu jirnaa,Qoys, qoys iyo qabiil qabiil ayuu kulmiye inoo kala jaray,Waxa uu Kulmiye ku dhiiraday waxa ay Odayaasheenii Jaahiliinta ahaa,Markii uu Ingiriisku doonayay inuu soo dego Somaliland ay kaga hortageen Badda,ee ay Saxeexaha bada kaga qorteen, ee ay Yidhaahdeen Gabadhi ku dali mayso,ee ay yidhaahdeen Dalka nalama lihide maalinta aanu doono waanu ku eryaynaa, Waxaa ay Odayaashaasi garteen ayay garan waayeen oo ay Iyagu Gacangta dhiibeen oo ay dalkii faasaxeen,sida ay u galeen Golayaashii Sharci dejinta waad ogaydeen”.
Waxa kale oo uu yidhi“Madaxweynihii Waxa uu qabtay ingiriiska,Sababtoo ah waxa uu haystaa Dhalasho Ingiriis ah,Dadkii ingiriiska joogay ee jaaliyadii reer Somaliland iyo isagu waxay isku haystaan London, halkaasi waxa ka muuqata inaanay RRU- joogin oo ay dadku Ra’yigooda ka dhiiban karayaan, waanu taageersanahay mudaharaadka London ee diidaya Hantidii aynu lahayn in si dhib yar loo wareejiyo,Somaliland waxay u baahan in Qabyalada la masaxo,inay ka baxdo xaalada ay maanta ku jirto ee Musuq Maasuqa iyo Laaluush bixinta ku salaysan”.
Siciid Sulub ayaa ka mid ahaan jiray Masuuliyiintii ugu Tunta waynayd Dawladii UDUD ee uu talada dalka kala wareegay Kulmiye,Waxaanu hadda ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...