Somaliland: War Deg Deg Ah Taliyihii Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag Oo Xilkii Laga Qaaday.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan ayaa xilka ka xayuubiyey taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag Gaashaanle Xasan Ismaaciil “Gacmayare”, waxaana Taliye Fadal xilkaasi u magcaabay Taliyaha qaybta booliiska ee bariga hargeisa Gaashaanle C/risaaq Yusuf Maxamuud “Casayr”.
Xil ka qaadista taliyihii qaybta booliiska sanaag ayaa ku soo beegmaysa xiliga taliska booliiska sanaag ee Ceergaabo ay hadheeyeen fadeexado is barkan kuwaaso ay qayb ka yihiin, Musuqmaasuq, kiisas been abuur ah oo shacabka iska horkeenay, ku tagrifal awood xileed Ciidan iyo qabyaalad qaawan oo taliyaha xilka laga qaaday ku ruqseeyey in ka badan 30 askari oo aan iyagu waxba galabsan.
Taliska Booliiska Ceergaabo ayaa mudadii Gaashaanle Gacmayare taliyaha ka ahaa waxaa meesha ka baxday haybadii booliisnimo iyo wada shaqayntii ay shacabka ka dhaxaysay, waxaana taliyaha la eryey awoodii Ciidan u adeegsaday si ka baxsan sharci taaso awooda shaadhkii Ciidan uu ka dhigtay mid uu isticmaalo amaba ku fushado danihiisa gaar ahaaneed.
Shalay ayey ahayd markii xarun ta ciidama sirdoonka ee hargeysa laga siidaayey nin miskiin ah oo aan waxba galabsan kaaso mudo laba bilood ah xarunta sirdoonka ugu xidhnaa been iyo xaalad abuur taliyaha la eryey ka sameeyey, waxaana taasi qayb ka tahay arimaha galaaftay Gacmayare.
C/risaaq Yusuf Cali “Terra”

Comments

comments