Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee laga soo doorto gobalka Saaxil ayaa waxaa uu ugu horeyn hanbalyeeyey mudaharaadka ka socda magaalada London ee lagu diidan yahay saldhiga Imaaradka laga siiyey magaalada Berbera
Xildhibaanka ayaa waxaa uu ku baaqay in mudaharaadkaas mid la mid ah laga sameeyo guud ahaan gobalada iyo degmooyinka Somaliland si loo muujiyo sida loo diidan yahay saldhigaasi
Sidoo kale xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa waxaa uu sheegay in qabashada mudaharaadkaas ee dalka aanay uga habraneen sida uu sheegay laba Wiil oo aanu sheegin cida ay yahiin isla markaana waxaa uu ku soo hal qabsadey in ay Afweyne ka baqan waayeen cid kalana ka baqan doonin