Liverpool Oo Waqtigii Dhamasadii Ee Dhamaadkii Ciyaarta Guul Dahabi Ah Ka Soo Gaadhay Everton, Sadio Mane Oo Noqday Halyayga Merseyside derby Iyo Reds Oo Kaalinta Labaad Dib Ugu Soo Laabtay

Liverpool ayaa guul cidhiidh ah isla markaana dahabi ah waqtigii dhimasada ee dhamaadka ciyaarta ku soo gaadhay Goodinson Park waxaana waqtigii ciyaarta lagu daray Everton qalbi jabiyay Sadio Mane kaas oo Klopp iyo ciidamadiisa Reds ka soo caawiyay in ay xili danbe Everton ka soo qaataan saddexda dhibcood ee sida xoogan loogu dagaalamay.

Guushan ayaa Liverpool ka caawisay in ay kaalinta labaad dib ugu soo laabto iyada oo yeelatay 37 dhibcood waxayna 6 dhibcood ku soo yaraysay farqigii dhibcaha ee ay Chelsea u dhexeeyay ka hor intii ayna kulankan adag ciyaarin. Sadio Mane ayaa noqoday ciyaartoygii ugu horeeyay ee goolkii ugu soo daahay ka dhaliyay kulanka Merseyside derby.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Everton XI (4-2-3-1): Stekelenburg; Coleman, Funes Mori, Williams, Baines; Gueye, McCarthy; Lennon, Barkley, Valencia; Lukaku.

Kaydka:Robles, Kenny, Barry, Calvert-Lewin, Holgate, Cleverley, Mirallas.

Liverpool XI (4-2-3-1): Mignolet; Clyne, Lovren, Klavan, Milner; Henderson, Wijnaldum; Lallana, Firmino, Mane; Origi.

Kaydka:Karius, Moreno, Lucas, Can, Sturridge, Alexander-Arnold, Woodburn.

Liverpool ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay in ay kaalinta labaad ee Premier Leaque-ga ay kala baxdo Manchester City oo sii qabtay kadib markii ay Arsenal guul muhiim ah kaga gaadhay Etihad Stadium. Klopp oo markii ugu horaysay booqday Goodinson Park ayaa sidoo kale doonayay in ay soo yareeyaan farqiga ay u jireen hogaanka Premier Leaque-ga oo ay Chelsea hayso.

Laakiin qaybtii h–e ee kulankan ayaa ahaa mid lagu caajisay isla markaana ayna labada kooxood soo bandhigin qaab ciyaareedkii weerarka ahaa ee looga bartay, waxaana soo koobaya qaybtii h–e oo dhan, hal koorne, bartilmaameed aan la samayn iyo kubbad khadka dhexe loogu dagaalamayay. Inkasta oo inta ugu badan Everton ay 45 kii daqiiqo ee qaybtii h–e ay ahayd kooxda kubbada haystay ayay Liverpool haddana samaysay dhawr fursadoo oo goolal lagu dhalin karayay halka Everton ay sidoo kale abuurtay fursado aan halis badan galin Mignolet.

Halista ugu dhawayd ee qaybtii h–e la tilmaami karo ayay Lukaku iyo Origi kala haleen balse midkoodna bartilmaameedka muu helin. Liverpool ayaan qaab ciyaareed fiican ku bilaaban laakiin 15kii daqiiqo ee qaybtii h–e ugu danbeeyay ayay u muuqatay in ay garoonka isku dhex aragtay waxayna bilawday in ay kubbada la qaybsato kooxda martida loo ahaa ee Everton.

Liverpool ayay ilaa daqiiqadii 27 aad ku qaadatay in ay markii ugu horaysay kubbada ku taabato xerada ganaaxa Everton, waxaana halkan ka cad in kooxda Klopp ayna kulankan ku bilaaban sidii ay doonayeen. Difaaca labada kooxood ayaa taxadar badan samaynayay taas oo yaraysay in wax qaladaad goolal lagu dhalin karaa ay yimaadaan.

Waxa sidoo kale  xamaasad la’aantii kulankan cadayn kale u ahayd in hal kaadh oo digniin ah aan la bixin iska dhaaf in kaadhka cas la bixiyo maadaama uu kulankani yahay kulanka kaadhadhka ugu badan ee casaanka ah la bixiyay taariikhda Premier Leaque, waxayna qaybtii h–e ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu tababaraha Everton ee Koeman uu shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna kooxdiisa ka reebay James McCarthy oo qaybtii h–e uu dhaawac soo gaadhay wuxuna kaydka uga yeedhay Gareth Barry. Liverpool ayaa soo laabtay iyada oo markan ku socota dardar xoogan waxayna markiiba halis ku bilawday Everton. Gareth Barry ayaa noqday ciyaartoyga laabad ee abid ugu safashada badan horyaalka Ingiriiska isaga oo saftay kulankiisii 610 aad wuxuuna dhaafay Lampard waxaana kahoreeya Ryan Giggs oo saftay 632 kulan.

DAQIIQADII 50 AAD Liverpool ayaa ugu dhawaatay in ay hogaanka ciyaarta qabto kadib markii uu Roberto Firmino dhinac iskaga dhigay Ramiro Funes Mori isla markanaa loo qaatay in uu dhaliyay goolka furitaanka ee kulankan laakiin darbada uu goolka la horjoogay ayaan noqon mid xoogan waxaana iska badbaadiyay Maarten Stekelenburg.

DAQIIQADII 56 AAD Firmino ayaa kubbad halis ahayd cidhib ugu bixiyay Sadio Mane laakiin Leighton Baines ayaa dirqi halista iskaga saaray balse waxay si xun iskugu dhaceen goolhaye Maarten Stekelenburg taas oo keentay in daawayn loo sameeyo laakiin waxa uu awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato taas oo keentay in lagu soo badalo Joel Robles.

Labada kooxood ayaa isla daalay waxaana la filan karayay in ciyaartu ay barbaro gool la’aan ah ku dhamaanayso iyada oo labada kooxoodba ay awoodi waayeen in ay jabiyaan ismari waaga waqtga dheer taagnaa. 90 kii daqiiqo ee waqtiga rasmiga ahaa ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah waxanaa ciyaarta lagu daray 8 daqiiqo maadaama oo waqti badan la joojiyay markii uu goolhayaha Everton dhaawacmay.

DAQIIQADII 94 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Liverpool ayaa ugu danbayn heshay goolka waqtiga dheer la sugayay waxaana goolkan indhaha ku xaday Sadio Mane kaas oo sida ugu deg dega badan ku dhamaystiray kubbad uu si cajiib ah Daniel Sturrdige birta Everton ugu garaacay oo soo booday waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 97 AAD Liverpool ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda labaad kadib markii Firmino iyo Mane ay si layaableh iskugu xidhmeen laakiin kubbada xariiqda goolka sii galaysay ayuu difaaca Coleman ka gaadhay wuxuuna awooday in uu badbaadiyo wax gool cadaan ah u muuqday.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay xili danbe Liverpool ku heshay gool ay u dagaalantay oo cidhiidh ah wuxuuna goolkan qalbi jab ku abuuray jamaahiirta iyo kooxda Everton oo dalaab badan ku bixiyay sidii ay Liverpool goolka uga joojin lahaayeen. Liverpool ayaa dib ugu soo laabtay kaalinta labaad waxayna 6 dhibcood ku soo yaraysay farqiigii u dhexeeyay kooxda hogaanka PL haysa ee Chelsea.

Comments

comments