War Deg Deg Ah: Cali Khaliif Oo Imika Soo Cago Dhigtay Caasimada Hargeysa Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Horjoogaha kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goordhawayd soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Sida Ay Helayso Shbakada Wargane Ujeedada  Ay waftigan uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh ayaa ah sidii ay uga dhoofi lahaayeen madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airpot isla markaana ay uga qayb gali lahaayeen wajiga labaad ee wada hadalada Dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo oo ka bilaabmaya dalka Jabuuti.

Waftigan oo xalay seexday magaalada Burco saakana hiirtii kasoo kallahay ayaa waxa dabley hubaysan oo ciidan ah isla markaana abaabulan ay shalay u diideen inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle,waxaana taasi ay sababtay in horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo waftigan ay magaalada Buuhoodle kaga soo baxaan safar dhulka ah iyaga oo hargeysa saaka soo gaadhay.

wafigan ka socda Kooxda Khaatumo ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Hargeysa waxa si wayn usoo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,xildhibaanada labada gole qaran,masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID,madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kale,waxaana ay hadda ku sugan yihiin Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo waftigan ayaa goor dhaw ka dhoofaya madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa iyaga oo usii jeeda dalka jabuuti isla markaana halkaasi ay ka bilaabmi doonaan sida lagu wado maalinka barri ah wajigii labaad ee wada hadalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.

Gabagabadiina waa markii u horeysey ee Muddo badan kadib uu Horjooge Cali Khaliif Galaydh soo gaadho magaalooyinka Hargeysa,Berbera,Burco Iyo Caynaba.

Wararkan Ay Heleyso Shabkadda Wargane Ayaa Tibaaxaye Inu Cali Khaliif Ku Nagaan Doonow Inta Ay Wada Hadaladu Soo Af Xidhmayeen Caasimada Hargeysa

Wixii Warar Ah Ee Kala Kala Sii Soco Shabakadda Wargane.com

Comments

comments