Madaxweynihii hore ee dawlada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey , waxaana madaxweynaha madaarka Hargeysa kaga hortagay musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro
Muddane Daahir Riyaale oo saxaafada afaafka hore ee madaarka kula hadley ayaa waxaa uu ugu horeyn dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee reer Somaliland Alleh uga baryey in uu ka dul qaado isla markaana uu roob u keeno
Sidoo kale Daahir Riyaale waxaa uu sheegay in uu Somaliland u rajeynaayo in ay doorasho fiicani u dhacdo isla markaana kii alleh u qoray ku soo baxo