Somaliland: Warbaahinta Dawladda Somaliland oo Daboolka ka Rogtey Dagaalka Xukuumaddu kula Jirto Shirkadda TELESOM

Date:

Warbaahinta Dawladda ee Xukuumaddu Somaliland gacanta ku hayso, ayaa daboolka ka rogtey dagaalka qarsoon ee Xukuumaddu kula jirto Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM, sida ku cad Wararka anshaxa ka baxsan ee Wargeyska DAWAN ku daabacay Bogga hore ee Caddadkiisii soo baxay Maanta oo Khamiisa ah, kaasoo nuxurkiisu ahaa in Shirkadda TELESOM diiday gudbinta farriimaha Caafimaadka ku saabsan, kuwaasoo sida nuxurka hadal-qoraalku u dhacayo u eg in Wargeysku u jeedo Fariimaha Mobile-ka laysugu diri jiray.

Haddaba mida hore haddii aynu Wargeyska DAWAN tiisa u raacno, waxa xusid mudan marka hore in aynu bulshada u iftiimino hawsha ku saabsan fariimaha Mobile-ka laysugu gudbiyo ee Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ay qabtaan, waa mide Fariimaha Mobile-ka laysugu diro waxa uu ka mid yahay adeegyada shaqo ee Shirkaddaha Isgaadhsiintu u qabtaan bulshada Somaliland shicib iyo Dawladd-ba midkuu doono ha noqdee, taasi waxay ina tusaysaa inaan wax laaxin ahi halkaa ku jirin, maadaama mihiimada Shirkadduhu adeegaa ay u aasaaseen tahay inay macaamiil ku kasbadaan bulshadana ugu hawl-fududeeyaan. Waxaana taa daliil u ah fariimaha Mobile-ladeena kusoo dhaco Maalin walba, kuwaasoo ah gebi ahaantood-ba kuwa ka hadlaya arrimaha bulshada, sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo wargelino mihiim ah oo iyana la xidhiidha hawlaha bulshada dhexdeeda ka jira.

Sidaa darteed, marka uu sida u cad yahay mihiimada adeegaasi uu bulshada ugu fadhiyo iyo ujeedada Shirkadaha Isgaadhsiintu ka lahaayeen bilawgiisa, waxa aan shaki ku jirin weerarka qaawan ee Wargeyska DAWAN uu ku qaaday shirkadda TELESOM yahay mid si toosa uga markhaati kacay cadaawada qarsoon ee Xukuumadda tallada haysaa ku wado Shirkadaas. Waxa kaloo, iyana arrinta Wargeyska DAWAN bulshada reer Somaliland u qaarkood u rumaysay hadal-haynahoodii la xidhiidhay in Xukuumaddu ujeedooyin kale ka lahayd go’aankii dhowaan ku joojisay in adeeg ZAAD-ka lagu isticimaali karo lacagaha ka yar Boqolka Dollar.

Si kastba ha ahaatee, waxa marag ma doon ah in Xukuumadda Somaliland ee tallada haysaa u tafo-xaydatay ama u diyaar-garowday dagaal aanu weli kala cadayn ujeedada ay ka leedahay ama’se faa’iidada ugu jirta, ee ku jiheysan Shirkaddaha Isgaadhsiin qaarkood, balse shar iyo khayr midkuu doono ha noqdee, waxa natiijadiisu kala caddaan doontaa Toddobaadada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...