Somaliland: Ehelada Iyo Waxgaradka Gobolka Sool Oo Cabasho Ka Muujiyey Muwaadin Laascaanood Laga Soo Taxaabay Oo Muddo 5 Bilood ah Ku Xidhan Xabsiga Hargeysa.

Ciidamada Booliska Somailand Gaar ahaana kuwa ka Hawlagala Magaalada Laascaanood ayaa Lagu eedeeyey Inay Qafaasheen Muwaadin Qurbajoog ah oo u Dhashay Gobolka Sool kaasi oo aan Wax Maxkamad la gayn loo Qaatay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland oo uu Mudo Shan Bilood Ah Bilaa Xukun ugu Xidhan Yahay.

Odayaal Ay Isku ehelo Yihiin Faysal Abshir Garaad Ayaa Qaylodhaan u diray Xukuumada Somaliland iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Iyagoo ka Codsaday in Muwaadinkaasi Xoriyadiisa Loo Soo Celiyo

Odayaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Sool Ayaa Cabasho Ka Muujiyey Xadhig Sharciga Ka Baxsan Oo Lagula Kacay Faysal Abshir Garaad,Kaasi Oo In Kabadam 5bilood Ku Xidhan Xabsi Ku Yaal Magaaladda Hargaysa Ee Caasimada Somaliland.

Muwaadinkan Ayaa Lagu Xidhay Magaalada Laascaanood Balse Iyadoon Wax Maxkamad Ah La Marin Ayaa Loo Gudbiyey Xabsiga Hargaysa Taasi oo Ay ku Tilmaameen Mid Cadaalada Ka Fog una muuqata in Ciidamada Booliska ee Xidhay Ay Ka Dhigayaan Magaalada Laascaanood Amase Gobolka Sool Meel Aan Dalka ka Tirsanayn

“ Marka Laascaanood Qofka lagu Xidhay ee aanu Dil Gaysan,Kufsi gaysan,Dhac Gaysan ,Arimo Amaan Ahayn,Denbi Madani Ah ahayn Xataa Miyaanay Khalad ahayn In Hargaysa Loo Qafaasho,Maxaa Laascaanood Loogu Xukumi waayay amase Arinkiisa Loogu Baadhi Waayay Mise Ciidamada Booliska Somaliland Waxay nala leeyihiin Sool Ma aha Somalilande waxaanu ninka Ku Maxkamadaynaynaa Meesha aanu u Dhalanayee Hargaysa “ Ayuu Yidhi Oday Xandule oo Hadlay

Odayaasha Iyo Waxgaradka Magaalooyinka Xudun Sarmaanyo Iyo Laascaanood Ayaa Xadhiga Faysal Absbir Garaad Ku Tilmaamay Mid Aan Sharciga Waafaqsanayn Waxa Ayna Xuseen In 4ruux Oo Lala Xidhay La Sii Daayey Halka Isaga Aan Wali Wax Cadaalad Ah Aan La Horkeenin Waxa Ayna Masuuliyiinta Xukuuamada Somaliland Ugu Baaqeen In Muwaadinkaas Cadaaladda La Horkeena Loona Cadeeyo Waxa Uu U Xidhnaa Wakhtigaas Dheer.

“ Ninkani Wuxuu Ahaa Qurbajoog Waxaana Aanu u Malaynaynaa In La Soo Mooday Nibiri Soo Caaryay Oo Lacago iyo Shaah laga Doonayo Sidaasina Dee Dawladnimo Maaha,Mana aha In Askarta Boolisku Ay Dadka Sidaa u Baadhaan oo loo Qafaasho,iyadoo Hunguri Laga Doonayo,Waxaana aanu Ka Dalbanaynaa Dawlada inay Sida ugu dhaqsaha Badan usii Dayso Ninkaas Qurbajooga ah ee Hargaysa loo Qafaashay”

Comments

comments