Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habbane, ayaa markalli ah lagu war helay isaga oo shaashadaha Telefishiinnada dalka ka la taagan difaaca jaamacad laga leeyahay waddanka Ethiopia oo dalka farac ku leh oo qaar kamid ah muwaadiniinta reer Somaliland wax ka sheegeen.
Wasiir Habbane, ayaa eedo u jeediyey cidkasta oo wax ka sheegtay Jaamacadda uu difaacayey oo faracyo kala duwan ku leh magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxana uu xusay in qadaf iyo gef jaamacaddaas wax lagaga sheegayo.
Difaaca degdegga ah ee wasiirka, ayaa kusoo beegmaya, xilli tan iyo intii uu xilka qabtay ay hoos usii socoto sumcaddii dugsiyada xukuumiga ah ee dalka ka dhisan, isla-markaana dalku gaadhay heer lacago laga qaado danyartii ubadkoodu dugsiyada dawladda wax ka baran jirey oo xukuumadda KULMIYE hore ugu dhawaaqday inay lacag la’aan wax ku baranayaan.
Eedaha aan kala go’a lahayn ee loo jeedinayey dugsiyada Dawladda ee uu wasiirku masuulka qaranka uga yahay, ayaanu weligii eray uu ku difaacayo ka odhanin, marka laga tago hadallo hanjabaad u badnaa oo uu dhawaan hawada u mariyey haweenay danyar ah oo ubadkeeda oo dugsi dawladeed laga caydhiyey warbaahinta ka sheegtay.
Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habbane, ayaa waxa ay shacabku isweydiinayaan sababta ku kalliftay inuu saacado gudahood eedaha loo jeediyey Jaamacad aan dalka laga lahayn difaaceedda kaga jawaabo heer wasiirnimo, isla-markaana uu daawado oo ka aamuso dhibaatooyinka muuqda iyo ceebaha dul yuurura dugsiyadii masuuliyadooda loo igmaday.
Waa markii ugu horraysay ee la arko wasiir shaashadaha lasoo fadhiistay difaaca Jaamacad Ajaanib ah, isaga oo iska indho tiray inuu difaaca wasaaraddiisa ee jaamacaddan ku aadan ku ekeeyo heerarka masuuliyiinta kale ee shaqada uga hooseeya, taas oo dhalisay su’aal aan weli jawaabteeda la haynin.