Somaliland: Dhallinyarada Iyo Haldoorka Gobolka Togdheer Oo Wasiirka Macdanta Eex Iyo Musuq Ku Eedeeyey

Date:

“Wasiirka waxanu leenahay waxa aad ku fadhidaa waa annaga, shidaal baa lasoo saarayaana shaqayn mayso oo sidii maalintii hore loo kala tegay baa loo kala tegayaa”

Dhallinyarada iyo waxgaradka kasoo jeedaa deegaannada deegaannada Xagal, Balli-dhiig iyo Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, ayaa eedo culus ujeediyey wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland,  Md. Xuseen Cabdi Ducaale, waxana ay sheegeen inuu deegaannada ay kasoo jeedaan kula kacay eed iyo kala qoqobid dhinaca shaqaalaysiinta deegaannada shidaalka laga sahaminayo.

Dhallinyaradan oo warbaahinta la hadlay, ayaa wasiirka macdanta uga digay inuu deegaankooda wax baadhitaan ah ka sameeyo inta ay taagan tahay tabashadoodu, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inuu wasiirku quudhsi kula kacay oo uu jawaab qancisa ka siin waayey cabashooyin ay ula tageen.

Waxa ay Dhallinyaradani shaaca ka qaadeen inuu wasiirk Macdantu wax is-daba marin bilaabay ka hor inta aan wax shidaal ah la helin, iyaga oo intaas ku daray inay taasi keeni karto in shicibku mar kale diido baadhitaannadaas, sidii hore ugu dhacday shirkaddii Genel Energy oo hore murankan oo kale dalka uga baxday,“Nigeria uunbaanu ka maqli jirney musuqmaasuq baa ka jira, maanta inaga oo aan shidaalba lasoo bixin buu musuqmaasuqii bilaabmay, wasiirka waxanu leenahay waxa aad ku fadhidaa waa annaga, shidaal baa lasoo saarayaana shaqayn mayso oo sidii maalintii hore loo kala tegay baa loo kala tegayaa” ayuu yidhi mid kamid ah dhallinyaradaas oo warbaahinta la hadlay.

Ma aha deegaannada Dhoqoshay iyo Balli-dhiig oo kali ah meelaha dadka ku dhaqani ka cabanayaan wasiirka Macdanta, balse deegaanno badan oo gobolka Saraar kamid yahay, ayaa dadweynaha ku dhaqani sheeganayaan inuu wasiirku wax-qabad la’aan iyo quudhsi iskugu daray, waxana soo kordhaya cabashooyinka laga tirsanayo isku dayada uu wasiirku ku doonayo inuu sahamin shidaal ku sameeyo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...