Somaliland: Wasiirka Waxbarashada oo si adag uga Jawaabay Eedaymo uga yimid Xisbiga Waddani

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa beeniyay eedaymo Wasaaraddiisa uga yimid hoggaanka xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kuwaas oo daarranaa in lacag laga qaado ardayda dugsiyada hoose-dhexe ee dalka.

Wasiirka oo maanta hadal ka jeediyay madal ay xilka kula wareegayeen Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiir-ku-xigeenka cusub ee ay dhowaan xukuumaddu u soo magacwday Wasaaraddaas ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha sheegaya in ardayda dugsiyada hoose-dhexe ee dalka lacag laga qaado.

“Qolada Mucaaradka ahi waxay nagu eedeeyaan inaannu iskuullada lacag ka qaadno. Annagu lacag sharciyan aannu ognahay oo aan ahayn saddexdii bilood ee aanu nidhi abaaraha ha lagaga qaybgalo mooyaane; November oo 1 doollar ah, December oo 1 doollar ah iyo January oo 1 doollar ah – intaas ayaan annagu og nahay.” ayuu yidhi Wasiir Habbane.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Rag waaweyn oo dalka inay masuul ka noqdaan doonaya ayaa intay buulal yar 2,000,000 sl.sh. la hor tageen yidhi carruurtan yaryar iskuulkii baa laga soo eryoo waannu caawinaynaa. Halkee laga soo eryay? Iskuulka laga soo eryay kee buu ahaa? Borobagaando ayaa waxaa la yidhaa.”

“Waxaan leeyahay Xisbiyada yaynaan waxbarashada siyaasad galinnin. Waxbarashadu way innaga dhexaysaa, ubadkuna wuu innaga dhexeeyaa. Kuwaad berri doonayso inaad xukunto weeyaan. Aan ka deynno siyaasadda.” ayuu Wasiirku hadalkiisa raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee, Waxbarashada aasaasiga ah ee lacag-la’aanta ah ayaa ka mid ahayd himilooyinkii uu
Madaxweyne Siilaanyo ummadda u ballanqaaday xilligii uu ololaha ugu jiray hanashada talada dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...