Somaliland: Masuul Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Golaha Ammaanka Hortiisa Uga Sacabo Tumay Qodob Ku Jiray Khudbadii Madaxweyne Biixi Ee 18 May

Date:

Ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, danjire Raisedon Zenenga ayaa u sacabo tumay qodob ku jiray khudbadii Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu ka jeediyay xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbadii uu jeediyay habeenimadii 18 May wuxuu ku sheegay in Somaliland sii daynayso maxaabiis ay maamulka Puntland kaga qabatay dagaaladii kal hore ka dhacay Tukoraq, waxaanu dhinacooda ka dalbaday inay soo daayaan saddex maxbuus oo ay ka hayeen Somaliland.

Haddaba, hadalkaas Madaxweyne Biixi ayaa waxa khudbad uu u jeediyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay toddobaadkan ka soo dhaweeyay Ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey, danjire Raisedon Zenenga. Ergayga Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka sheegay kulan gaar ahaa oo golaha ammaanka qaramada Midoobay uu warbixin kaga dhagaystay.

Wuxuu danjire Zenenga sheegay in wada hadalada la isku mari waayay ee Somaliland iyo Soomaaliya ay saamayn ku yeesheen dib u eegista iyo dhammaystirka dastuurka ay dawladda Soomaaliya wado, “Hase yeeshee.” Ayuu yidhi ergaygu, “Waxa na dhiirigeliyay khudbadii uu Madaxweyne Muuse Biixi jeediyay 18 May ee uu ku cadeeyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu Puntland kala shaqeeyo arrimaha nabadgelyada oo ay ku jiraan is dhaafsiga maxaabiista iyo inay Soomaaliya iska kaashadaan arrimaha la xidhiidha ammaanka, ganacsiga iyo tacliinta.” Sidaas ayuu yidhi ergayga Qaramada Midoobay.

Dad kale oo badan oo reer Somaliland ah ayaa iyaguna hore u soo dhaweeyay qodobkaas ku saabsanaa sii daynta iyo isdhaafsiga maxaabiista, iyagoo aaminsan in nabad waarta oo dhex marta Somaliland iyo Puntland ay kor u qaadayso dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo ganacsi ee Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...