“Liverpool Ima Tabi Doonto” – Sadio Mane Oo Niyada U Dejiyay Jamaahiirta Reds – Kulamadee Ayuu Seegi Doonaa?.

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa kalsooni ku qaba in kooxdiisa ay maareyn doonto isaga la’aantiisa marka uu u baxo Koobka Qaramada Afrika bisha danbe.

Xiddiga ugu goolasha badan Reds xilli ciyaareedkan ayaa kaliya waxaa u hartay seddex kulan oo horyaalka ah Stoke, Manchester City iyo Sunderland ka hor inta uusan ku biirin xulkiisa Senegal ee ka qeybgalaya koobka Qaramada Afrika.

Waxa uu maqnaan doonaa ugu yaraan ilaa iyo 23ka bisha Janaayo taasoo marka la ciyaarayo kulanka ugu danbeeya ee group-ka ay ku jiro Senegal, waxaana ay u badan tahay inuu waqti intaas ka sii badan maqnaado madaama dalkiisa la filayo inay gaaraan qeybaha danbe ee tartanka.

Mane ayaa seegi doona kulamada horyaalka ah ee ay la ciyaarayaan Manchester United iyo Swansea, waxa uu sidoo kale seegi karaa kulanka ay Chelsea la ciyaarayaan 31ka Janaayo, kulanka labada lug ee semi-finalka EFL Cup ee ay la dheelayaan Southampton iyo weliba bilowga koobka FA Cup.

Si kastaba, Liverpool ayaa rajeyneysa in maqnaanshihiisa ay ku buuxiyaan soo laabashada Daniel Sturridge kaasoo garoomada ku soo laabtay kulankii Everton ka dib bil uu dhaawac kubka ah ku maqnaa, waxa ay sidoo kale filayaan inuu Coutinho garoomada ku soo noqdo goordhow.

“Iima sahlanaan doonto inaan aado Senegal bisha danbe.” ayuu yiri Mane.

“Waan jeclaan lahaa inaan la sii ciyaaro asxaabteyda, islamarkaana aan caawiyo kooxdeyda laakiin waxaan qabaa inay fahmi doonaan sababtoo ah waa wadankeyga waana riyadeyda.

“Waxaan u rajeyn doonaa nasiib wacan laakiin aniga la’aanteey kooxda sideeda ayay sii ahaan doontaa Waxaanba qabaa inay sii fiicnaan doonto. Waa ay mareyn doonaan. Coutinho ayaa soo laaban doona. Matip ayaa soo laaban doona, Sturridge isna waa uu soo laabtay haatan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay soo laabashada Sturridge. Uma ayasan sahlaneyn isaga inuu dhaawac ku maqnaado, dhaawacyo badan ayaa soo gaaray, laakiin waad ogtahay inuu natiijo u keeni karo kooxda.

“Waana sababta ay kooxda u sii xooganaan doonto inta aan maqanahay.”

Comments

comments