Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka SL, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo Suugaanta, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga SL ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi) oo ku geeriyooday 18/12/2016, magaalada Hargeysa laguna aasay xabaalaha masalaha maanta.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey hal abuur ku suntan taariikhda inta Af-soomaaliga ku hadasha iyo ta shacbiga Somalilandba, waxaanu door muhiima ka qaatay tilmaanta iyo toosinta quluubta shacbiga SL gaar ahaan wakhtiyadii adkaa ee uu dalku ka soo gudbay. Abwaanku waxa uu tusaale wanaagsan u ahaa bahda fanka iyo suugaanta, kaalintiisuna waa mid ku banaanan doonta shacbiga Somaliland iyo inta Afka Soomaaliga ku hadasha, lana tebi doono.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo Suugaanta, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga SL ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.