Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Marqudha Isku Daba Yaacay Dalka Kenya

Wafti uu horkacayo hogaaminaya xisbiga Waddani Xirsi cali Xaaji Xasan ayaa maanta ka dhoofay garoonka Diyaarada ee cigaal iyaga oo ku socda dalka Kenya siiba Caasimada Nairobi oo ay shegeen in ay kulamo kula yeelan Doonaan Haay’addo Caalami ah.

Xirsi ayaa sheegay in ujeedka Safarkoodu daaran yahay sidii ay Beesha caalamka ugu bandhigi lahaayeen abaarta saamaynta ay ku yeelatay Somaliland iyo waliba dalka sucuudiga oo joojiyay xoolihii somalida oo ay ku jirto dalka Somaliland.

“Waxaanu saaka u baxaynaa dalka dibadiisa anaga oo ah madaxdii xisbiga iyo xubno nagaga Horeeya Nairobi,waxaanan u baxaynaa safar aanu ku tagayno Dalka Kenya oo aanu ugu

baxayno hawlaha xisbiga iyo shaqo qaran oo aanu doonayno inaanu ka qayb Qaadano abaarta iyo dhibaatada jirta iyo waliba xoolaha la joojiyay inaanu beesha caalamka u bandhigno oonu kala hadalno xafiisyadda dunida ee ku yaala Nairobi iyo meelihii kale ee suurtogal noo noqota ayaanu doonaynaa inaanu u bandhigno dhibaatadaas taagan,lakiin ilaahay ayaa wax inoo qaban karee in aynu warkeena meel dheer gaadhsiino ayaanu doonaynaa.
Hogaamiyaha xisbiga waddani mudane xirsi cali xaaji xasan ayaa sheegay in ay dunida u bandhiyaan dhibta Somaliland ay abaartu kaga tagay iyo xoolahii oo uu dalka sucuudigu ku dhawaaqay inuu joojiyay xoolihii somalida uga iman jiray kadib markii ay shaaciyeen in laga helay cuduro kala duwan.

“Waxaanu doonaynaa inaanu beesha caalamka gaadhsiino xoolaha lajoojiyay dhibta ka taagan iyo waliba haday tahay abaartaba,waxaanan runtii kulamo layeelan doonaan haay’addo nala balansan iyo dawlado aanu doonayno inaanu aragno waxaanan ku dadaali doonaa inaanu aragno sidii wixii danaha xisbiga ah ugala hadli lahayn,waxaana dalka Kenya nagaga siihoreeya musharaxa xisbiga waddani iyo guddoomiyaha xisbiga cabdiqaadir jirde.

Waftigan uu hogaaminayo Xirsi cali Xaaji xasan eek u jihaysan dalka Kenya siiba caasimada wadankaasi ayaa waxa ay shegeen in safiirada iyo dubla-maasiyiinta wadankaas ku sugan ay hordhigi doonaan qadiyaddda madax banaaanid Somaliland iyaga oo ku hadlaya magaca xisbiga waddani waxaana uu yidhi.

“Wixii suurto gal ah qadiyada Somaliland aanu kala hadalno,madaama oo ay tahay xil qofkasta saaran oo anagana noo ah mudnaanta 1aad oo ah xil qaranka oo dhan saaran anaguna wixii nagaga soo hagaagay qayb-tayada ayaanu fulin doonaa wixii ay awoodayadu noqoto.sidaas ayuu yidhi xirsi isaga oo ku hadlayay afka waftigan uu hogaaminayo.

Comments

comments