Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey xalay u hoyday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa subaxnimadii hore ee saaka u jarmaaday dhinaca degmada Xudun oo ka tirsan gobolka Sool, halkaasoo weftiga madaxweynaha si balaadhan oo aan loo kala hadhin loogu soo dhaweeyay. Waxaanu noqday madaxweynihii u horreeyay ee taariikhda Somaliland soo mara ee booqasho ku taga degmadaas.
Waxgaradka, aqoon-yahanka, cuqaasha beelaha Maxamuud garaad bari iyo Hijiinle iyo kaskii-qabe oo uu hoggaaminayo ku simaha garaadka Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo dhallinyaro isugu jiray rag iyo haween, ayaa madaxweynaha kaga hor yimid duleedka magaaladda, iyagoo si diirran ugu galbiyay gudaha demgadda Xudun oo dadweynuhu ku qaabileen dareen togan iyo damaashaad balaadhan.Waxgaradka iyo dadweynaha degmadda Xudun waxay sheegeen inay magac iyo taariikhd weyn u tahay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu noqday Madaxweynihii u horeeyay ee xataa xilligii Soomaaliya soo booqda degmadan oo ku taalla bogcad taariikhi ah.
Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxay fagaare kala hadleen dadweynaha ku dhaqan degmadaasi. Wax kaloo madashaas ka hadlay cuqaasha, waxgaradka, xildhibaannada goleyaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda degmooyinka Xudun iyo Talleex iyo ku-simaha garaadka guud ee beelahaasi.
Caaqil Maxamuud Askar Jaamac, oo ka hadlay madashaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in madaxweynihii Somaliland oo socdaa booqasho rasmi ah ku yimaado deegaankooda, waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne, waxa ii sharaf ah inaan kugu soo dhaweeyo maanta (shalay) adiga iyo weftigaagaba magaalada xudun iyo degaannadan, waxa aad iyo aad farxad noogu ah imaantinkaaga iyo tixgelintan ee adiga oo madaxweyne ah iyo wasiirradaadii oo halkan noogu yimid inay tahay tixgelin iyo rabitaan siyaado ah, waanaan idiinka mahad-naqaynaa, muddadii koobnayd ee aynu xidhiidhka lahayn iyo wado hadallada, waxqabadkii fiicnaa ee aanu helnay aad iyo aad ayaanu idiinka mahad-naqaynaa idinkana.”
Sidoo kale, Xuseen Aadan Cadde, oo ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha waaweyn ee deegaanka, ayaa madaxweynaha uga xog-waramay baaxadda abaarta kulul ee ku habsatay gobollada bariga dalka, waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne, abaartani waa mid fidsan oo baahsan oo dheer dalkanna way ku kala horaysay, dhul balaadhan oo weyn oo dhul xoolaad ah oo illaa iyo gobolka Togdheer, gobolka Sanaag iyo gobolka Sool ah illaa badda Indian occasion ah ayaa waxa ka jirtay abaar soo gaatamaysay marba oo illaa iyo dayrtii hore iyo gu’gii ku xigay iyo dayrtan oo gebigeedaba la waayey, dhulka kale ee hawd iyo golis iyo guban ayaa iyagana la yidhaahdaa iyaguna sidaa si leeg ayey ahayd oo waa tii berigii dhawayd loo gurmanayey.”
Guddoomiyaha ahna Murrashaxa xisbul xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay loo baahan yahay in laga sii shaqeeyo inuu sii jiro barnaamijkii uu dhigay iyo nabadda uu keenay madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu yidhi “Horta caaqilkii yidhi hawl badan ayaa ku taalla waa runtiisa oo madaxweynuhu markii uu yidhi xilka waan ka nasanayaa ee adigu hawshii sii qabo aniguna kabihiisii ma gashan karo, waayo-aragnimadiisii ma lihi, intii wanaagsanayd ee uu wax soo hoggaaminayeyna ma lihi in kastoo aan in badan soo joogay haddana dee sifihiisii ma yeelan karo, waxaase innoo balan ah in aynu waddadiisii iyo tubtiisii uu jeexay iyo barmaamijkaa uu jeexay ee uu nabadda ku keenay ayeynu ku wada shaqayn doonaa oo muxuu yahay?.
calankaa Xisbiga aad haysaan ee KULMIYE, waa mideeye dadkaa isugu yimid, magaciisu waxa weeye midnimada, horumarinta iyo nabadda, waxa innoo balan ah oo aynu kuwa shaqaynaynaa oo aad naga sugaysaan oo hawsha la ii dhiibay ah oo idinkuna aad igula shaqayn doontaan maadaama aynu calankaa qaadanay saddexdaa qoddob nabadii rag badan ayaa ku dedaalay illaa 1991-kii waa la waday dad baa waday, reer Sool ah reer Xaysimo iyo reer Xudun ah, waxa laakiin koobkii qaaday oo nabadii dhinacii nuglayd soo gebo-gabeeyey ragii ku KULMIYE Awr-boogays ee wasiirrada iyo cuqaasha iyo garaadada lahaa ragii idinka horeeyeyna waan ku hambalyeynayaa, waanan idin kula taageeraynaa.”
“Arrinta labaad xisbigu waa horumarinta, waxaynu doonaynaa haddii aynu calankaa KULMIYE qaadnay oo aynu xisbigaa KULMIYE ku bahawnay, waxa aanu doonaynaa in aynu mid noqonno, Somaliland oo inankaa yar ee dugsiga dhexe ku jiraa uu ka baxo jaamacada Cammuud oo ta Hargeysa ka baxo oo ta Laascaanood uu ka baxo isagoo aan waalidkii u baahan oo hooyadii u baqanayn oo meel waliba wadankiisii yahay oo ay dawladiisu kafaalo qaado.
Qoddobka Saddexaad, waxa la yidhi fule xantii ma mooga, maanta waxaynu joognaa Xudun waana xeradii daraawiishta waa halkii darwiishku ka alkunmay, dad badan ayaa taariikhda khalda, dastuurka Somaliland ee aynu isugu nimid ee rag badani yidhi war bahalka idinka uun baa sameeyee aynu dib u wada eegno taana aan waxba ka qabin waxa uu ka bilaabmaa halkankii daraawiishta.
Dastuurku waxa uu ka bilaabmaa mabdiisa koowaad iyadoo la tixgelinayo halgankii daraawiishta ee gumaysi la dirirka ahaa, daraawiishtu waxay ahayd tii Soomaali oo dhan u horseeday jabhad xoraysa oo gumaysiga la dagaalanta oo gumaysiga innaga horaysa, idina waxaad ka mid ahaydeen dadkii halgankaa ka qayb qaatay oo taariikh iyo sharaf ku leh oo aanay cidina dafiri karin,”ayuu yidhi Muuse Biixi.
Wasiirka madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka warramay kaalinta waxgaradka deegaankaasi ka qaateen wada hadalladii najaxay ee lagu qabtay Awr-boogays, waxaanu yidhi “Cuqaashi si wanaagsan oo kor ka xaadis leh ayey hadalka u yidhaahdeen odayaasha oo ah hoggaamiyeyaashii iyo madax dhaqameedyadii beelaha degaamadan si gaar ah ayaanu isu arki doonaa .xaalada aanu ku jirnana waan uga mahadnaqayaa inay garwaaqsan yihiin oo ay garanayaan waa rag Guurti ah oo aqoon sare leh waayo maanta xaalada darani waa xaalad abaareed, xaalad aynu maanta wax kale ka wada hadli karno maaha waa xaalad ay mudan tahay in aynu wax walba dhigno oo dhinac u leexino, marka se ay sida ay u korka xaadiyeen aanu annaguna u kor ka xaadinno waxa aanu garwaaqsanahay oo qiraynaa shirkii ka dhacay Awr-boogays oo ay hormood u ahaayeen waayeelka cuqaasha iyo madaxdhaqameedka beesha ee madashan fadhiya oo aan isleeyahay malaa ragii cidiba kama maqna oo aan u hambalyeynayo hawshaa hawl karnimada ah iyo hal abuurkaa ay sameeyeen.”
“Waxaanu qiraynaa in wax badani ka qabsoomeen go’aamadii shirkaasi gaar ahaan dhiniciina ay ka qabsoomeen, waa qiraynaa runtii waxa aanu qiraynaa annagu ceelalyo ayaanu ahayn maalintii aanu nimid Xudun-na maalin ayaanu nimid annagoo wefti ah waxa naga soo horeeyey Wasiir Baashe Cali Jaamac oo aan qirayo doorka uu ku lahaa hawshan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta isaga iyo xildhibaan Saleebaan Cali Koore, aniguna waxaan ahaa weftigii labaad ee halkan yimid, waana aanu badnayn aniga, xubno kale oo wasiirro ah, Wasiir Cadaani, Wasiir Cali Siciid Raygal ceelalyo ayaanu ahayn, ceelalyadii Xudun waxay dhashay shirkii dib u heshiisiinta ee magaalada Awr-boogays, shirkaasina waxa uu dhalay go’aamadii aynu qaadanay ee 6-da ahaa oo aan tuugna xadi karin, duugoobi karin oo aynu kala saxeexanay oo laba daraf ah annagoo metelayna madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo idinkoo metelayay beelaha Maxamuud Bari,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in farxad weyn u tahay booqashadiisa degmadda Xudun, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Farxad weyn iyo sharaf ayey noo tahay maanta in aanu halkan Xudun nimaadno aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay, milic ayaad taagan tihiin waad dhegeysateen dadkii iga horeeyey ee masuulyiinta ahaa siday u hadleen, waxa aanu u soconay in aanu dalka xogogaal u noqono oo aanu dadkayaga waraysano xaaladooda ka war helno nabad ku baaqno aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida qiimaha leh eed noo soo dhawayseen.
Markaa waxa aanu idin leenahay waa inaynu dadkeenna iyo duunyadaba waa inaynu ka warhayno sidii nabadgelyada loo dhisi lahaa, dadku iskugu kalsoonaan lahaayeen meel looga soo wada jeedsan lahaa wada jirka iyo midnimada iyo nabadgelyada. Arrintaas ayaanu u soconaa, ILAAHAY-na waxa aynu ka baryeynaa inuu abaarta baahsan innaga kor qaado oo madar khayr qaba cirka innaga siiyo, ayaanu EEBE ka baryeynaa Aamin Aamin.”
Madaxweynaha waxa qado-sahraf loogu sameeyay Magaaladda Xudun, halkaasi oo ay uga sii gudbeen dhinaca magaalada Bohol oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey. weftiga madaxweynaha magaaladaas oo iyana ahayd mid aan hore u arag madaxweyne soo booqda.
Madaxweynuhu waxa uu socdaalkiisa Taban-taabo oo galay maalintii shanaad uu xalay gaadhay magaaladda Ceel afweyn ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay xalay u hoydeen, maantana lagu wado inay ka ambo-baxaan.