Somaliland: Shacabka Ceerigaabo Oo Aan Sii Loo Kala Hadhi Uso Dhaweeyey Waftiga Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Shacbiga Ku Dhaqan Ceerigaabo Oo Soo Dhawayn Aan Loo Kala Hadhin Ku Soo Dhaweeyey Madaxweynaha iyo Weftigiisa Oo Gaadhay Saaka, Siina Kormeeray Wadada Ceeriaabo Kana Qaybgalay Salaadii Roobdoonta Ee Dalka Laga Tukaday Maanta

Ceerigaabo() Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ku guda Jiray Safarkoodii Tabantaabo oo Maalintii lixaad madaxa la galay maanta oo Khamiis ah, xalayna u hoyday degmada Ceel Afweyn, ayaa subaxnimadii hore ee saaka u amba baxay dhinaca ceerigaabo, waxanay sii kormeeren weftiga madaxweynuhu wadada ceerigaabo iyo burco isku xidha oo shaqo badan laga qabtay iskuna xidhan ceerigaabo ilaa Ceel-afweyn, halka Ina-afmadoobe ilaa War-idaadna uu laamigu isku joogo, inta hadhayna ay taalo caro kaawo sida uu sheegay wasiirka hawlaha guudna ay dhawaan ka faraxalan doonaan dhismaha wadada ceerigaabo ilaa burco.
Waxa kormeerkaasi hadalo ka jeediyey masuuliyiinta wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta oo uu ka mid yahay wasiir Cali Mareexan, iyo Gudoomiyha ahna murashaxa xisbi xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiir Caddaani, iyo Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxaanay dhamaantood ku hambalyeeyeen cid kasta oo gacan ka geysatay hawshaa baaxada leh iska xilsaartay sidii ay uga midho dhalin lahaayeen inay wadadaasi noqoto mid midho dhal ah oo halkaasi soo gaadha iyagoo dhamaan si gaara ugu hambalyeeyey wasiirka hawlaha guud mudadii uu xilka hayey waxa uu ka qabtay wadada ceerigaabo.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo kana mid ahaayeen hadaladiisa “Kulligiin farxad weyn ayey inoo tahay in aynu ka soo qaybgalno dhismaha wadadatan ceerigaabo ee aynu arkayno halka ay marayso waxan leeyahay isgaadhsiintu aad iyo aad ayey muhiim ugu tahay dalka oo dhan wadada ceerigaabana in badan ayeynu ku fekeraynay in badan ayeynu hawlgelinay oo aynu maalgelinay meel wanaagsana way inoo maraysaa waxan jeclahay in aan hambalyo balaadhan halkan uga soo jeediyo in allaale intii ka soo shaqaysay wadadan kambaniyeyaashii ka shaqeeyey iyo dadkii oo dhanba iyo intii gacan ka geysatay intay doonta ha lekatee ilaahay haynala qabto oo dadka iyo dalkaba meel wanaagsan ha mariyo”.

Ka dib weftiga Madaxweynaha waxa si balaadhan oon loo kala hadhin saqiir iyo kabiir laysugu soo baxay magaalada ceerigaabo kooneheeda iyo laamiyada gudaha magaalada oo dad la ceeryoontay maanta, kuwaas oo ku dhawaaqayey soo dhawow Madaxweyne iyo ereyo la mid ah, soo dhawayntaas oo ah mid aanay dadka reer ceerigaabo u kala hadhin kuna muujiyeen jacaylka iyo muxubada ay u qabaan hogaaminta tolmoon ee madaxweyne Axmed Silaanyo ku hagay dalka mudadii uu haneedka hayey.

Waxaanu Madaxweynuhu si toosa u tegay garoonka kubbadda cagta ee ceerigaabo oo dadweynuhu isugu soo baxeen una diyaar garoobeen inay madaxweynaha iyo weftigiisa la tukadaan salaada roobdoonta ee madaxweynuhu iclaamiyey in maalinta khamista ee ku beegan maanta laysugu soo baxo guud ahaan dalka Somaliland loona dareero in Alle la baryo lana tukado salaad roobdoon ah, waxaana markii salaada laga baxay shacbiga la hadlay una duceeyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Magaalada, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Culimada gobolka iyo Sheekh Maxamed Aadan oo isagu weftiga Madaxweynaha ka mid ah, Wasiirkii hore ee Maaliyada Samaale, Wasiirka Warfaafinta iyo Madaxweynaha Qaranka oo waxana ka mid ah weedhihii Madaxweynaha “dadweynaha reer ceerigaabo waxa aan aad uga mahadcelinaynaa sida fiican eed noo soo dhawayseen, waxaana aanu u soconaa sidii laydun ku waramay xaalada abaaraha ee dalka ka dhacday ayaanu u soconay arrinteeda, Ilaahayna waxa aynu ka baryeynaa inuu abaartaa inaga jebiyo oo madar khayr qaba cirka inaga siiyo dhibaatada abaartu meel walba way haysataa oo way heshay oo ay saamaysay, laakiin wixii aynu qaban karno waynu qabanaynaa waxa aanu balan qaadaynaa dawlad ahaan in aanu dedaal weyn ka geysano wixii aanu qaban karnana aanu qabano Ilaahayna waynu baryeynaa ilaahaybana inaga korqaadi kara, Ilaahay uunbaa ina kaafiyo kara, Ilaahayna waxaynu ugu mahadnaqaynaa nabadgelyada buuxda ee uu ina siiyey, mar kalena wad mahadsan tihiin sidaad noo qaabisheen eed noo soo dhawayseen, waana mid laydin ku yiqiin ood caado u leedihiin”.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

15095501_1123486824431836_8672729158150039905_n 15171000_1123496944430824_5478794191804747748_n 15178037_1123483511098834_8519133928643878950_n 15178119_1123483934432125_115331506321961236_n 15178273_1123484211098764_2181623871834793095_n 15181311_1123486511098534_1699347378881205501_n 15220019_1123494041097781_8197920849137110318_n cadaani samaale silanyo-safar silanyo-safara silanyo-vs-mareexan silanyo wasiir-cadaanni

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...