Wasiirka wasaaradda warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa ku kacay fal ugub ah isagoo baal marey digreetadii madaxweyne siilaanyo ku magacaabay laba masuul oo awood madaxweyne ku magacaaban, wasiir cadaani ayaa minjaha urogay marinkii wasaaradda warfaafinta waxaana wasiirku qaadey talaabo awood midab kale leh oo xusul siibtay xidhiidhkii wasaaradda, waxaana uu waraaq qoraal ah saxeexii awoodeed ee maamulka Wasaarada kaga joojiyey agaasimihii guud ee wasaaradda iyo maareeyihii tvga qaranka Cabdi Cali Mahdi,
qoraalka waraaqda ayuu ku socodsiiyey wasiirku shirkaddo ay wada shaqayn leeyihiin oo dalab qoraal usoo jeediyey taas badelkeedana ku badeshay xubin uu isagu jeebka kala soo baxay oo uu dhawaan magacaabay isla markaana ka dhigay agaasimaha maamulka lacagaha iyo xisaabaadka xubintan oo ahaa maamule xayn daabka Wasaarada laaga saaray katiinad ka dib markii lagu helay musuq-maasuq is qoorsadey oo xafiiskiisa hadheeyey, masuulkan uu saxeexa awooda usiiyey ayaa ah shaqsi ku xeel dheer dhanka wax is daba marinta iyo leexinta hantida qaranka.
qoraalkan oo nuqul ka mid ah uu wargeyska SAHAN Helay ayaa ka shifay sirta ka dambaysa musuq-maasuq ay heshiis ku gaadheen wasiir cadaani iyo masuulka uu jeebkiisa ka magacaabay waxaanay laf jab ku tahay digreetadii madaxweyne siilaanyo ku wada magacaabay awood madaxweyne oo xafiis ka soo wada baxdey. dhanka kale waxaa iyaduna fadhida idaacadii FMta Ee Magaalada burco oo dhaawaceedii wax yeeladu soo gaadheen la keenay gudaha Wasaarada warfaafinta oo taas oo u hoyatay habeenkii sadexaad iyadoo gabi ahaanta magaalada burcona la soo daristay idaacad la, aan cilada soo foodsaatay FMtii burco ayaa lagu macneeyey spare part la,aan hoy unoqotay dayaca qabsadey taas oo eng gacanta ku hayaa tiroba dhawr jeer usoo dalbeen in lala soo gaadho qalabkaa balse uu wasiiir cadaani dhegaha ka fureystay,
ilo xogagaala oo wargeyska SAHAN u xaqiijiyey baylahada iyo cilada ku habsatay FMtii burco ayaa tibaaxay in wasiir cadaani cadaadis ku saaray in injineeradii awood dheeriya saaraan sidii ay ku hagaajin la haayeen habeen hore ka hor intaanuu madaxweyne siilanyo safarka ugu bixin magaalada burco si aanu madaxweynu iyo waftigiisu uga war helin baylahda jirta hayeeshee injineerada ayaa awood u yeelan waayey inay dabiibaan cilda gashay idaacada taas oo sabab unoqotay cago juglayn iyo handidaad wasiir cadaani kula kacay shaqaalihii gacanta ku hayey, Wasaarada warfaafinta ayaa noqotay wasaarad ay soo foodsaarto maamul xumo mijaraha ulaabtay hilinkii horumarka ee higsiga ulahayd waxaanay ciladani ku soo beegantay xili madaxweyne siilaanyo safar xalay ugu hoydey magaalada burco xili wasiir cadaani wax qabadkiisii isnuugay.