Somaliland: “Waxaan Leeyahay Habar-jecladu Markay Da’daas Gaadho Xabbad Mooyaane Habaarku Ma Karo” Boqor Buurmadaw

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland gaar ahaana kuwa bariga Burco ayaa ka hadlay wararka dhawaanahan la isla dhex marayay ee ku saabsan caafimaadka Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Boqor Buurmadaw oo ku sugnaa madal dhaqameed ayaa si kooban oo kaftan ku jiro uga hadlay xaaladda Madaxwayna isagoo sheegay inay xisbiyada qaarkood soo dhaweeyeen xanuunkiisa iyo waliba inuu dhinto, waxaana uu intaasi raaciyey in beesha ay isaga iyo Madaxwaynuhu ka soo jeedaan aanu habaarku karin, isagoo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Maalmahan waxaan maqlayay Madaxwaynihii waa la qalay oo way ka baxday oo maydkiisii ayaa la soo sidaa, Facebook-yada ayaa lagu qorayay xisbiyada ayaa ka hadlay oo qaarkood aad u soo dhawaynayeen, Habar-jecladu haddii ay da’daas gaadho xabad uunbaa dishee habaarku ma dilo”

Comments

comments