Somaliland: “Xukuumadda Kulmiye Hadday Dembi Ku Haysato Ismaaciil Buubaa Ha Caddayso, Waa Muwaaddin oo Magaaladuu Joogaaye, Haddii Kale…”

Date:

Siyaasiga Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare

Siyaasiga Aadan Cilmi Axmed (Dhoolla-yare) oo ka tirsan Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo uu dhawaan ku biiray, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan Sharciga la tiigsan doonaan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye haddii ay soo caddayn waayaan sababta Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ay weli ugu eedeeyaan inuu yahay Soomaaliwayn oo uu ka soo laabtay, halka Sifir oo ay Xilal ka soo wada qabteen Soomaaliya ay Xukuumadda Kulmiye xilka uga magacawday.

Aadan Dhoollayare oo shalay qaar ka mid ah Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in Dadka si aan suuragal ahayn wax looga sheego oo dhaleecayn aan sal lahayn lala caadaysto, dunidana ay mabnuuc ka yihiin waxaas oo kale, sidoo kalena doonayaan in Somaliland laga hirgeliyo Sharci iyo Xeer dabraya dhaqanka noocaas ah.

“Waxaannu Xukuumadda Kulmiye iyo Xisbiga Kulmiye ka doonaynaa inay si cad u bayaaminaan oo weliba aannu doonayno inay Maxkamadda Sare iyo Guddiga Anshaxu Xeer ka soo saaraan oo aannu ku haysanno Kulmiye Sifir iyo Ismaaciil Buubaa oo laba Muwaaddin ah sida Cali-Guray-ba sheegay in Ninna la yidhaahdo waa Federaal, Ninna la yidhaahdo xil baa loo dhiibay oo uu Somaliland xil ka qabto, arrintaa Dacwad baannu ka qabnaa, Xukuumaddu hadday dembi ku haysato Ismaaciil Buubaa ha caddayso, waa Muwaaddin oo Magaaladuu joogaaye, Mabdi’iisana wuu caddeeyey oo waa Nin Somaliland ah, Soomaaliweyn markay sheegayaanna dee Federaal buu isagu sheegay, mabda’ baanay ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Dhoollayare.

Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay; “Laakiin, Ceelka guntiisa ninka tegay ee yidhi; ‘waar halkaa waxba idiinma yaallaan’ ee ka soo noqday, Ninka maanta la daba-jooga hebel waa Federaal, dembi Aakhirana way ku tahay dembi Qaranna way ku tahay. Markaa, Kulmiye iyo Xukuumadda waxaannu ka doonaynaa inay kala caddeeyaan sababta ay labadaas Muwaaddin midna xil ugu dhiibeen, midna u leeyihiin waa Federaal, haddii kale Sharciga ayaannu la tiigsanaynaa.”

Waxa uu Aadan-Dhoollayare ka hadlay go’aanka Guddoomiye Ku-xigeenkii saddexaad ee Xisbiga khilaafku hadheeyey ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) Sabtidii shaaciyey ee uu ku sheegay inaanu Xisbi dambe geli doonin iyo cidda uu u codayn doono, waxaanu yidhi; “Somaliland waxa laga doonayaa Dad dhex-dhexaad ah oo aan Asxaab iyo Qabaa’il midna ku tiirsanayn, Cali-Guray hadalkiisii waan dhegaystay, waa Nin Saraaxi ah oo had iyo goor siyaasadda si saraaxi ah uga hadla, markaa waxaan la jeclaa inuu yidhaahdo; Kol haddii Xisbigayagi naga fashilmay oo UCID fashilmay, Xisbina geli maayo ee dhex baan Xisbiyada u noqonayaa oo uu halkaa istaago oo yidhaahdo Somaliland dhex baan u noqonayaa.”

“Cali waxa uu yidhi; ‘Jamaal waan u ducaynayaa’ Dee Hooyana ilmaheeda ma habaarto ee waxay tidhaahdaa; ‘waan u ducaynayaa’. Markaa, hadalkaagaa; ‘Jamaal waan u ducaynayaa’ waxaan u arkaa Timir Laf baa ku jirta ee waxa ka wanaagsanaan lahayd adoo yidhaahda; ‘waan u hambalyeynayaa’, waayo? Waxay u muuqanaysaa lamaan jeclayn meel kale inuu tagee inuu isoo raaco ayey ahayd’. Halka uu Cali-Guray yidhi; ‘Muusaan codkayga siinayaa’ Anigu waxaan la jeclaan lahaa inuu noqdo inuu Ninkii ugu horreeyey Somaliland ee yidhaahda saddexda Xisbi midna ma ihi haddii Xisbigaygi uu fashilmay oo uu burburay, Cali waxaan odhan lahaa Jamaalna u hambalyee halkii uu tagaba.” Sidaa ayuu yidhi Aadan-Dhoollayare.

Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare), ayaa Wasiirka Wasaaradaha Beeraha iyo Wasiirka Cadaaladda ka soo noqday Somaliland wakhtigii Xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Rayaale hoggaaminayey, markii dambena ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Urur-siyaasadeedkii Rays oo ka mid ahaa Ururradii lagaga guulaystay doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland ka qabsoontay 2012-kii, isla markaana hore Kulmiye ugu biiray, balse sagaalkii bishii Aktoobbar ee 2016 isaga iyo Siyaasiyiin kale oo Ismaaciil Buubaa ka mid yahay ku biireen Xisbiga Waddani oo uu hadda ka tirsan yahay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...