Somaliland: Magacyada Guddiyo Cusub Oo Uu Axmed Muumin Seed Xalay Magacaabay Iyo Shaqada Ay Qaban

Date:

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Ahna Gudoomiyaha Garabka Toosinta iyo cadaalada Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed waxa uu maalintii shalay magacaabay laba gudi oo uu ku sheegay inay kala yihiin, Guddida Abaabulka iyo wadahadalada ee garabka toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga WADDANI kaas oo uu gudoomiye uga dhigay Marwo HInda Jaamac Xirsi, kana kooban yaya lix xubnood oo kale.

Sidoo kale gudoomiye Seed waxa uu magacaabay Madaxa Abaabulka iyo isku dubaridka xaflada Soo dhawaynta garabka toosinta ee uu dhawaan ku tagayo Gobolka Awdal.

Warsaxaafadeedkan oo laga soo saaray xafiiska warfaafinta Garabka Toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga WADDANI oo nuqul ka mid ahi la soo gaadhsiiyay wargeyska Hubaal, ayaa waxa lagu sheegay in toddoba xubnood loo magacaabay wada-hadallada garabkaas uu geli doono, waxana ay toddobadaas xubnood kala yihiin sidatan:

1. Hinda Jaamac Xirsi……………………. Guddoomiye

  1. Maxamed Abiib Yuusuf…………….. xoghaye

3.Cismaan Xuseen Gurxan(kalash)…….   xubin

4.Foosi Xaaji Cabdilaahi(dirir)                   xubin

5.Aamina Cilmi Fariid                                  xubin

6.Cali Xasan Cismaan(kubad)                     xubin

7.Xil. Daa’uud Abiib Axmed…                      xubin

Dhinaca kalena waxa uu Guddoomiye Axmed Muumin Seed magacaabay guddi labaad oo uu ugu talo galay inay ka shaqeeyaan abaabulka soo dhaweyn ballaadhan oo dhawaan magaalada Borama loogu qaban doono, taas oo abaabulkeeda la dareemayo, waxana xafladaas hoggaamin doona Maxamed Abiib Yuusuf oo garabka caddaaladda iyo Toosinta katirsan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...