Somaliland: Jamaal Cali Xuseen Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Inuu Kulan Uu La Yeeshay Guddoomiye Muuse Biixi

Date:

“Muuse Biixi Waanu Is Aragnay Si Sharaf Lehna Wuu Iila Hadlay, Anna Si Sharaf Leh Baan Ugu Jawaabay, Waxaasina Wax Gaar Ah Bay Ahaayeen”

Murrashaxii hore ee madaxtinimada xisbiga UCID Md.Jamaal Cali Xuseen,  ayaa markii ugu horraysay ka hadlay warar soo baxayey oo sheegayey inuu talooyin loosoo jeediyey oo ku saabsanaa sidii uu murrashaxnimadiisa uga tanaasuli lahaa qatay iyo weliba fikirka uu siyaasi Cali-gurey oo garabkiisa ahaa kaga maqan yahay. Jamaal Cali Xuseen oo saxaafadda la hadlay, ayaa ugu horrayn diiday inuu Cali-gurey garabkooda ka hadhay, balse waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu u madax bannaan yahay inaanu afkoortooda ku qancin,“Cali-gurey nagamuu baydhin laakiin waa shakhsi oo fikrad buu leeyahay, shirarkan iyo waxan aanu qabsanayno laga yaabaa inaanu fikrad ahaan nagu taageerin”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Jamaal oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale qiray inuu la kulmay murrashaxa xisbiga KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi, waxana uu qiray ina

labadooduba si karaamo leh su’aalo iyo jawaabo isu weydaarsadeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Muuse Biixi waanu is aragnay si sharaf lehna wuu iila hadlay, anna si sharaf leh baan ugu jawaabay, waxaasina wax gaar ah bay ahaayeen oo wax Cali-gurey Facebook kusoo qoro may ahayn runtii.” Waxa uu in go’aankii ay isaga iyo Muuse Biixi ka wada hadleen uu u gudbiyey xubnaha kale ee garabkiisa ah, isla-markaana weli ku wada socdaan,“wixii aniga iyo Muuse Biixi aanu is nidhi kooxdayada ayaan ula imi, taladeediina waanu ku wada soconaa”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Hadalka Jamaal ee uu qiraalka kaga bixinayo inuu kulamo tanaasulkiisa ku saabsan kala yeeshay guddoomiyaha KULMIYE, ayaa imanaya xilli uu dhawaan siyaasi Cali-gurey laftiisu kulankaas natiijadiisa bulshada la wadaagay, isla-markaana ku caddeeyey inuu Jamaal si cad uga tanaasulay murrashaxnimadiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...