Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya

Date:

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay kulan la yeeshay raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Sida ay wakaaladda wararka ee Itoobiya baahisay, Madaxweyne Siilaanyo iyo raysalwasaare Hailemariam Desalegn waxa ay ka wada hadleen xidhiidhka iyo danaha labada wadan. “Labada hoggaamiye waxay is dhaafsadeen aragtiyaha lagu xoojin karo iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, dhaqaalaha iyo horumarka” ayay warbixintu tidhi.

Wakaaladda wararka Itoobiya waxay sheegtay in sidoo kale ay Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha Itoobiya ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dekedda Berbera, maadaama ay Itoobiya ka go’antahay inay dekedda isticmaasho si ay kor ugu qaado xidhiidhkeeda dhaqaale iyo ganacsi ee dalalka dunida.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Madaxweynaha Somaliland iyo raysalwasaaraha Itoobiya isku raaceen sidii la isaga kaashan lahaa sugida nabadgelyada iyo ammaanka gobalka iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isna dhinaciisa sheegay inay raysalwasaaraha Itoobiya ka wada hadleen arrimo khuseeya danaha labada dal ee iskaashiga

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...