Wasiirkii hore Kalluumaysiga Soomaaliya oo geeriyooday

Waxa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alaa u naxariistee, sii hayihii xilka Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Maxamuud Coloow Barrow.

Marxuumka, ayaa u geeriyooday xanuun hayay muddooyinkan dambe, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Marxuumka dhintay, ayaa ka mid ahaa xubnihii golaha wasiirada ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed Maxamed, kuwaas oo kalsoonida baarlamaanka waayay bishii December ee 2014.

Marxuumka ayaa xilalka uu horay u soo qabtay waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia.

Comments

comments