Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa xalay si rasmi ah garoonka kubadda kolleyga Timad-cadde ee Caasimadda Hargeysa uga furay tartanka Kubadda Kolleyga gobollada Somaliland wareegiisa labaad oo ay ku kulmayaan 8 gobol ciyaartoygooda oo u soo gudbay wareega labaad.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ciyaaruhu ay yihiin furaha is dhex galka bulshada isla markaana kula dardaarmay kooxa artankan ciyaaraya iyo taageerayaashoodaba in ay muujiyaan akhlaaq wanaag iyo isu hannaynta guusha,waxaanu kula dardaarmay in ciyaaraha wanaaga iyo sumcadda ay ku dhamaystaan in ay qayb ka qaadanayso sawirka wanaagsan ee qaranka Somaliland.
Waxaa kale oo uu sheegay in mar kasta ay ahmiyadda koobaad Xukuumadda KULMIYE siinayso horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha kuna dedaalayaan in ay sii horumariyaan.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.“Waxaan caawa(xalay) aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan idinkala soo qayb galo tartankan gobolladda ee kubbadda, koleyga, runtii waa guul qarankeenna u soo hoyatay waxaanan halkan ka sheegayaa inay aniga si gaara farxad iigu tahay oo raggii halkan laga sheegay inay tacab badan geliyeen sidii loo heli lahaa ciyaartoy kubbadda koleyga sida alle u naxariiste Maxamed Cali Calo,oo aanu iska fasal ahayn sidoo akle ninkii la odhan “Dhereeye) isna isku fasal baanu ahayn waxay ahaayeen xidigihii kubbadda koleyga 1990-naadkii calanka u siday kubbadda koleyga ee gobolladda, qof kastaana sida uu ugu tabcado ayaa loo xusuusnaad doonaa sida ALLE how naxariiste marxuum Calo waxaan idinku dardaraaya dhamaan sideeda gobol ee ka qayb gelaya tartankan iyo taageerayaashoodaba waa in la idinka arkaa anshax iyo asluub, guushana aad isku hibeysaan kolley lama wada, guuleysanayo, cid koox ayuunbay guushu raaceysaa, waa in laysku hambalyeeyo, gobol kastana waa Somaliland,ciyaartoyga dhamaantood waan habalyeynaya waxaanan ALLE ka baryayaa inuu guul inoogu soo dhamaado.”
Waxaa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamuud Ismaaciil Cilmi(Dheeg). Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelko). Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Maxamuud Xasan Cabdilaahi(Qodax).Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabbeeye. Wasiirka Ciyaaraha Maxamuud Cabdilaahi Maydhane. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan. Kulankii koowaad ee ciyaarta kubadda kolleyga ee xalay ayaa lagu furay xulalka gobollada Maroodijeex iyo Gabiley, waxaana ciyaartaas badisay Gabiley oo la timid 52 dhibcood, halka Maroodi-jeexna keensatay 18 dhibcood.