Somaliland: Warqad Shaki Gelisay Xilka Guddoomiyenimada Xisbiga WADDANI Ee C qaadir Jirde

Warqad uu Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) soo saaray 27-kii Bishan October oo ku beegnayd Khamiistii, ayaa dood ka abuurtay bulshadda dhexdeeda, warqadaas oo su’aal ka keentay in Cabdiraxmaan Cirro uu si kumeel gaadh ah u wareejiyay Guddoomiyenimada xisbigaasi iyo in kale.

Warqadan oo dad badani aragtida ay ka qabaan ku cabireen baraha xidhiidhka bulshadda, waxay la xidhiidhay qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cirro oo uu saddex xubnood oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI uu ugu xil saaray inay ka hawl-galaan qorshe uu ku doonayo in lagu soo lad-qabeeyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI, Axmed Muumin Seed, oo dhawaan isku sharaxay xilka murrashaxa madaxweyne ku-xigeenka xisbigaasi, hase yeeshee shirkii golaha dhexe ka baxay ka dib markii uu sheegay in sifo cadaalad darro ah looga eexday Murrashaxii ay ku loolamayeen oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Awdal oo la yidhaahdo Maxamed Cali Cabdi oo isagu ku guulaystay mansabkaas.

Mr. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ku saxeexay warqadaas xilka iyo magaca Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, isagoo dhawaan xilka Guddoomiyenimo si ku meel gaadh ah ugu wareejiyay Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Dadka ka soo horjeeda siyaasadda Cabdiraxmaan Cirro ayaa aaminsan in warqadani ay tusaale nool u tahay sida aanu maalinna ugu fikirin inuu wareeejiyo Guddoomiyenimada xisbiga, balse wareejinta xilkaas ay ahayd mid taageero lagu kasbanayay oo afka baarkiisa aan dhaaf siisnayn, hase yeeshee waxa jiray dad kale oo ku doodayay in waraqada khaladaadka ku jiraa uu ka dhashay khalad dhinaca xoghaynta iyo hab qoraal ku wajahan, balse aanay ahayn mid Cabdiraxmaan Cirro ku doonayo inuu xilkaas ku sii haysto.

Ma jiro wax cudur-daar ah ama sixitaan ah oo xisbiga WADDANI ka soo saaray warqada ka soo baxday xaruntooda dhexe, waxase looga fadhiyaa Hoggaanka xisbiga inay arrintaasi dareenka dhalisay ay ummadda ka jaahil saaraan.

wadddani

Comments

comments