Somaliland: “Cadani Waxan Leeyahay Abaalow Ba, Mar Haddii Timir I Cayaayo, Waxaanse Kaga Tagay Inaad Sidii Dhalaan U Ooyayso”. Ex. Afhayeen Dhuxul.

Afhayeenkii hore ee Madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul, oo hadda ku sugan dalka Faransiiska, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inuu Wasiirka Cadaaniga Warfaafintu afka ku taago hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan, oo uu sheeegay inuu si xad dhaaf ah ugu guul wadayn jiray waagii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyadda. Mud. Dhxul oo qoraal koobaan oo uu amuurtaas kaga hadlaayo na soo gaadhsiiyay wuxuu ku yidhi sidan.

“Abaalow ba hadduu maantaba timir i caayaayo, waxaase kaaga tagey inaad sidii dhalaan u ooyeyso. waxaa sidaa ka dhigan Wasiir Cadaani oo maanta hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan Wax ka sheegaaya, waxaan u soo joogey maalinta uu Xirsi Salaamo Cadaani farxad darted ayuu Cadaani ooyaaye la qushuucsanaan jiry oo uu gacata uu ku salaamey uu qarin jiray,isagoo leh “Gacantan maanta Xirsi ayaa igu salaamay oo cid kale ku salaami maayo”.

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadu hadalkiisa wuu sii waray wuxuuna yidhi. “Waxaa leeyahey Jamhuuriyadda Somaliland waxey mustaqbalka u baahantahay hoggaamiye u taliya oo u tudha kaasina ma aha mid ay nabadu ka dideyso ee waa mid ay dugsanayso nabada iyo walaalnimada reer Somaliland u baahanyihiin wuuna muuqda maanta oo waa Murashaxa Xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo kasbaday sida muuqata dhammaan quluubta ummadda Somaliland”.

Comments

comments