Somaliland: Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweynaha Ee UK, Dalabka Imaaraadka Carabta Ee Madaarka Berbera Iyo Xidhiidhka Somaliland Iyo Caalamka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Cali Shire ayaa waraysi uu Geeska Afrika la yeeshay wuxuu kaga hadlay amuuro badan oo khuseeya Somaliland.

Wasiir Sacad, wuxuu ka hadlay safarkii u dambeeyay ee madaxweynaha, ma olole siyaasadeed oo KULMIYE ayuu ahaa mise wuxuu ahaa socdaal qaran, waxa kale oo uu ka hadlay dalabka Imaaraadka Carabta ee ah in la siiyo saldhig milatari, xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka iyo qodobo kale. Waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

Socdaalkii Madaxweynaha ee Ingiriiska siyaabo kale duwan baa looga hadlay, ee ma marti qaad rasmiya ayuu ka helay Dawladda Ingiriiska mise safar gaar ah ayuu ku tagay?

Safarka Madaxweynaha dhawr jeer baa laga hadlay, Saxaafadda marar badan bay wax ka qortay, balse Madaxweynuhu wuxuu u tagay inuu dadkiisa arko oo uu la kulmo, taqriiban sannadkii mar buu tagaa, markaas balan ay lahaayeen Dawladda Ingiriiska  muu jirin ee dadkiisa ayuu u tagay iyo danihiisa gaarka ah,Madaxweynayaashu fasax iyo nasasho ayey qaataan, laakiin ujeedada ugu weyni waxay ahayd in madaama muddo xileedkiisi dhawr bilood ka hadhay waxay ahayd inuu dadka reer Somaliland ee degan Ingiriiska inuu uga waramo muddadii uu joogay wixii  qabsoomay, horumarka la sameeyey, waxyaabaha lagu xasuusan doono iyo inuu dadkiisa la kulmo oo uu dhegaysto.

Mucaaradku waxay sheegeen inuu Madaxweynuhu dalka Ingiriiska u tagay xaalad Caafimaad, markaas maxa taas ka jira?

Madaxweynuhu xaalad caafimaad dalka Ingiriiska umuu tagin, ee sababta ugu muhiimsan ee uu Madaxweynuhu u baxay waxa weeye inuu dadkiisa la soo kulmo oo lixdii sanno ee uu xilka hayey wixii u qabsoomay uu uga soo waramo, si fiican oo aad iyo aad u diiranam, oo qadarin iyo maamus lehna  waa loo soo dhaweeyey.

Ma la odhan karaa safarkii Madaxweynaha, waxa qayb ka ahaa Olole loogu ololeynayo Xisbiga Kulmiye madaama Guddoomiyaha iyo murashaxa  Kulmiye Muuse Biixi Weftiga Madaxweynaha ka mid ahaa?

Maya lama odhan karo Kulmiye ayaa loogu ololeynayey, maxa yeelay Madaxweynuhu wuxuu la kulmay Shacabkiisa, oo iskugu jira Mucaarad iyo Muxaafidba, wuxuuna u jeediyey khudbad aad u qiimo badan oo uu kaga hadlay halgankii dheera ee uu soo galay dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuu sheegay in isagoo Wasiir ah, inuu ka tagay oo uu Halgankii ka qayb qaatay, wuxuu sheegay in isagoo Guddoomiyaha SNM ah inuu ka tagay isagoo noqon kara, tartami karana, wuxuu sheegay in isaga oo hadda Madaxweyne ah, xaqna u leh inuu isa soo sharaxo inuu haddana ka tanaasulay, marka haddii uu ka waramo wax qabadka iyo horumarka uu dalka gaadhsiiyey muddadii uu xilka hayey lama odhan karo waa Olole Kulmiye loogu ololeynayo, haddii uu Guddoomiyaha Kulmiye oo ah murashaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi raacay kana mid ahaa Weftiga Madaxweynaha lama odhan karo waa Olole, maxa yeelay horeba Madaxweynaha wey u raaceen Madaxda Axsaabtu, ujeedada kowaad ee Safarka Madaxweynuhuna waxay ahayd inuu u kuurgalo xaalada dhabta ah ee Shacabkiisa uguna waramo halka ay Somaliland maanta marayso.

Wasiir Imaraadku waxay dalbadeen in Somaliland laga siiyo Saldhiga Milatari, marka waa maxay ujeedada ay u dalbadeen,ma ka aqbasheen se?

Dawladda Imaraadku codsi bay u soo gudbisay Madaxweynaha,oo ah in Saldhig laga siiyo Somaliland,  Madaxweynuhu guud ahaan wuu soo dhaweeyey codsigaas, laakiin tafaasiil lama keenin, maxa yeelay marka hore waa in tafaasiil la keena, oo  labada Baarlamaan waa inay Madaxweynaha u ogoladaan inuu la gali karo heshiis ama wada xaajood uu arinta kala gali karo Dawladda Imaraadka.

Marka Madaxweynuhu Dawladda Imaraadka miyuu  ka diiday codsiga ah inay Saldhig ka sameeystaan Somaliland?

May ka muu diidin, iyagu codsi bay soo gudbiyeen, codsigana wuu soo dhaweeyey, laakiin isagu kalama gali karo wada hadal hoose ilaa labada Barlamaan fasaxaan, oo labada Barlamaan la hor keeno, isla markaana fasaxaan inuu gorgortan iyo wada hadal la galo,sharcigeena ayaana sidaas odhanaya.

Go’aankii Madaxweynuhu ku kala qaaday Labada Doorasho ee  uu dib ugu dhigay  Doorsahada Wakiilada kadib xidhiidhkii Somaliland iyo Caalamka maxaa iska bedelay, ma sidiisiba, mise hoos u dhac baa ku yimid?

Xidhiidhka Somaliland iyo Caalamka anigu waxaan qabaa inuu wanaagsan yahay, wax xumayeyna maynaan sameeynin, oo ma odhan karo markii hore cilaaqadkeenu wuu wanaagsana oo waxaas ayeynu sameeynay oo xumeeyey, oo waa sidii uu markii hore ahaa, anigu waxaan soo maray Imaraadka, Ingiriiska iyo Malaysiya, intaba si fiican baa la inoogu soo dhaweeyey, Shir Malaysiya ka dhacay ayaan ka qayb galay, markii hore Shirkan waxa lagu marti qaaday Madaxweynaha, isagoo ah Madaxweynaha Somaliland, Shirkaasi waxa uu ahaa Shir ay hogaamaada Wadamada Islaamku iskugu imanayeen, balse aniga oo ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda ah ayaa tagay, si fiican baa la igu soo dhaweeyey, hadal baa la I siiyey, waana ka khudbadaayey, taasina waxay ina tusaysaa ixtiraamka wuu Caalamku uu u  hayo Somaliland, haddii aan ixtiraam la inoo hayna Shirkan Madaxweynaheena laguma marti qaadeen, anigana hadal la igama siiyeen, marka anigu waxaan qabaa in xidhiidhka aynu Caalamka la leenahay inuu wanaagsan yahay, waxaana Caalamka ka doonaynaa Ictiraaf, si aynu uga mid noqno bahda Caalam weynaha, Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrikaba, himiladeenuna waa taas, Doorashada Golaha Wakiilada ee dib u dhacayna Madaxweynuhu xal buu u arkay madaama saami qaybsigii xal kama dambays ah laga gaadhin.

Laakiin wasiir besha Caalamku way xumaatay talaabada dib loogu dhigay doorashada golaha wakiilaa. Haddii doorashada madaxtooyadunan dib u dhacdo. Dhaawac intee leeg ayaa ku iman kara xidhiidhka Somaliland iyo dunida saaxiibka inala ah?

In Doorashada Wakiiladu dib u dhacdo sabab baa keentay, muddo ayaana loo cayimay Doorashada Madaxtooyadu inay ku qabsoonto, Diiwaangelintii waa la dhamaystiray, markaas Madaxweynaha kama hayno afkiisa Doorshadu Madaxtooyadu dib ayey u dhacaysa, Komishankana kama hayno, markaas insha allah wakhtigeeda ayey ku dhici doontaa, waxaana mar walba Madaxweynaha iyo Xukuumadiisaba   ka go’an wanaajinta xidhiidhka iyo macaamilka aynu la leenahay Beesha Caalamka.

Afhayeen u hadlay Dawladda Ingiriisku wuxuu sheegay in Aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay Somaliya iyo wadamada jaarka marka sidaas u aragtaa?

Sababta dhabta ah ee aanu Somaliya ula hadlaynaa waa sidii aynu xaqiiqada dhabta ah ugu sheegi lahayn, ugana dhaadhicin lahayn in aanu nahay dal, oo   aanan u soo socon, dibna ula midoobi doonin, oo midnimadii 1960-kii aanu ku hungawnay,wakhtigaasna waxa la raadinayey shanta Somaliyeed balse haddii la waayey, oo aanu xornimadaydii dib ula soo noqonay maaha in laguna qasbo Somaliya, ee Somaliya oo qudha maaha ee Wadamada jaarka iyo Caalamkaba waxaanu ka dhaadhicinaynaa una sheegaynaa in aanu nahay dal madax banaan, dawlad iyo dad isku duuban oo dawladnimadooda meel uga soo wada jeeda, Madaxweynuhuna hore ayuu u yidhi boqol sanno haddii ay nagu qaadaynayo Ictiraafku marnaba Somaliya ku biiri mayno.

Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya halkee ayey ku dambeeyeen?

Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya hakad ayey ku jiraan, hakadkaasna waxa codsaday Somaliya, ilaa inta Madaxweyne cusub ay  dooranayaan.

Comments

comments