Italy: Dad ka badan 4000 oo qof ayaa laga soo badbaadiyey Mediterranean

Date:

24-tii saac ee la soo dhaafey waxaa Badda Cad ee loo yaqaan Mediterranean, laga soo badbadiyey qiyaastii 4 200 oo qof oo muhaajiriin ah, sida laga sooo xiganayo ilaalada xeebaha ee daka Talyaaniga.

Muhaajiriintan ayaa watey doonyo gaaraya 22 doomood, badankood waxaa laga badbaadiyey biyaha Libya, waxaana jirey qaar kale oo badan oo soo gaarey xeebaha Talyaaniga. Saddex kamid ah doomaha gaarey Talyaaniga ayaa laga heley 17 qof oo meyd ah.

Badbaadinta dadka muhaajiriinta ah waxaaa ka qaybqaatey ciidamada badda ee dalalka Jarmalka iyo Ireland.

Tan iyo markii Midowga Yurub isku raaceen in si adag uga hortagayaaan tahriibta islamarkaana ay daaha ka qaadeen qorshe cusub oo ay ka mid tahay dagaa lagu qaadayo kuwa dadka Tahriibiya, ayaa dadkii ku sugnaa xeebaha Libya badda isku soo gureen geeri iyo nolol.

Sanadka 2015 ayaa noqdey kii ugu dhimashada badnaa ee muhaajiriinta badda cad so mara.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...