Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE oo Masuuliyiinta iyo Hawl-wadeennada Xisbiga uga Xog-warramay Safarkii Yurub

????????????????????????????????????

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxda kale ee xisbiga iyo hawl-wadeennadiisa uga xog-warramay safarkii uu toddobaadkan ka soo laabtay ee isaga iyo wefti kale oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku tageen dalalka Imaaraadka iyo Ingiriiska.

Kulan Guddoomiyuhu xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa kula yeeshay maanta xubnaha hoggaanka iyo garabka haweenka ee xisbiga, waxa uu warbixin ka siiyey natiijadii safarkaasi oo qaatay muddo saddex toddobaad ah, kaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay madaxda iyo taageerayaasha xisbiga ku sugan dalalkaasi, gaar ahaan Ingiriiska.

Comments

comments