Somaliland: Cisbitaalka Laas-caanood oo Lagu Dawaynayo Dad Sumoobay

Afar qof oo la sheegay in ay ku sumoobeen raashin ay cuneen ayaa shalay la soo gaadhsiiyay cisbtilaalka Manhal ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Afartan qof ee sumoobay ayaa ahaa shaqaale ka hawl gala beeraha ku yaala deegaanka Dalyare oo qiyaas ahaan soddon kiiloomitir dhinaca bari kaga beegan magaalada Laascaanood, waxaana dadkaasi muddo yar kadib la soo gaadhsiiyay cisbitaalka magaalada Laascaanood.
Dr. Cabdinajiib Cismaan Sugulle oo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawl-gasha cisbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood ayaa ka warbixiyay xaalada caafimaad ee afartan qof, waxaanu yidhi “Cisbitaalka waxaa la soo gaadhsiiyay shalay casarkii afar qof oo ku sumoobay cunto ay cuneen, kuwaasi oo ku jiray xaalad adag oo caafimaad, afartan qof qaarkood waxay ku jireen Koomo markii naloo keenay, qaarna xaaladooda caafimaad aad ayay u liidatay.”

Dr. Cabdimajiib waxa kale oo uu intaasi ku daray “Dadkaasi markii naloo keenay waxaanu u samaynay gargaar degdeg ah, waxaana la jiifiyay cisbitaalka oo ay ilaa xalay ku jireen, waxaana xaaladooda caafimaad ilaa xalay la tacaalayay hawl-wadeenada caafimaad ee cisbitaalka, wakhtiganna aad ayuu caafimaadkoodu u wanaagsan yahay.”

Cabdimajiid Cismaan Sugule, waxa kale oo uu sheegay in arrintani aanay ahayn dhacdadii ugu horraysay ee ka dhacda gobolka Sool, waxaanu yidhi “Arrintani ma aha markii koowaad, waanay soo noqnoqotay, waxaana dhacda in hore naloogu keenay dad farra badan oo iyaga oo kooxo ah si wada jir ah u sumoobay. Sannadkii hore ayay ahayd kadib markii gabadh yar oo cunto karinaysa, dad ka mid ahaa qoyskeedda ay cuntadii ku sumoobeen. dadkan shalay sumoobayna meel ayay ku wada qadeeyeen, waanay ku somoobeen.”

Dr. Cabdinajiib Cismaan Sugule, waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha keeni kara cuntada lagu sumoobo iyo siyaabaha la isaga ilaalin karo arrintaasi, waxaanu yidihi “Waxaa muuqata in ay jirto khatar ah in ay dadku sumoobaan, taas oo ka dhalan karta weelasha la isticmaalo ee kiimikada lagu keeno ee ay caagaduhu ka midka yihiin, kuwaasi oo inta la maydho in dib la isaga isticmaalo, taas oo keeni karta in ay suntii wax ku hadhaan, isla markaana lagu sumoobo, markaa bulshadu waxay u baahantahay wacyi gelin iyo in ay ka fogaadaan isticmaalka weelasha noocaas ah.”

Comments

comments