Somaliland: Agaasimaha Tv-ga HCTV Oo Sheegay Inay Labadda Musharax Ee Madaxweyne Ku-Xigeenka Ee Xisbigga Mucaaradka Ah Ee WADDANI kA-Baxeen Ballantii Ahayd Inay Dadweynaha Hortooda Dood Foolka-Ka-fool Ah Isku-Waajahaan.

Ogaysiis Doodii Musharaxianta.

Mr Axmed Muumin Seed iyo Amb. Maxamed Cali aw Cabdi.

Labadan masuul waxaanu u wada hadalnay si fool ka fool ah iyo si aanu iskula qaadano go,aanka ah in hawsha ay ka qayb qataan, waxaanay ii Ixtirameen si aad u wanaagsan oo qoto dheer, waxay soo dhaweeyeen hawshasi inay galaan.

Dedaal badan iyo wakhti dheraad ah oo aan u huray in Ummada ay la hadlaan labadani masuul oo habeen iyo maalinba lahaa oo saacad hore iyo mid danbaba lahaa, waxaan manta halkani jeclahay inaan ugu sheego dadwaynihii la socday ee sugayay hawshaasi.
In ay suurto gal noqon wayday inay Aqbalaan labadani masuul inay marka hore inay is wajahaan si toos ah, oo ay barnaamijka kawada qayb galaan, iyadoo midiba mid ka kale iska eegayo.
Halka Markii hore ee aanu dadwayanaha u sheegaynay midkastaba Aqbalsanaa hawshaasi iyo balanteeda, wakhtigii la qabanayay markii aan xagooga ka cayimayna ay balantasi ka baxeen.

Sidoo kalena midkastaaba waxa uu soo jeediyay in waraysi gaar ah laga qaado, taasina ma dhamaystiraynin in bulshada lagu qanciyo inay ogadaan dadka mustaqbalka u noqonaya Hogaanka Qarankan curdinka ee Somaliland, taasi oo aan ahayn Ujeedada Barnamijka Horn Cable TV dhinaciisa taasi ma aqbalin.

Sidaasi darteed waxa aanu hawsha ugu jirnaa i Bulshadu ogaato cidkasta oo masuul uga noqonaysa Qarankooda, waana waajib na saaran inaan soo bandhigno inay ummadooda qanciyaan.

Hawshani kuma koobnaan doonto labadan musharax balse xisbi kasta Kulmiye, Ucid, Waddani dhamaantood masuuliyada iyo xaqa bulshadu ku leedahay waanu kula gor gortami doona inay dadkooda qanciyaan masuuliyadna iska saaraan baahida bulshadu u qabto iyo xaqa ah meesha ay go,aankooda mustaqbalka gaynayaan.

Waxaydin naga sugi doontaan markastaba wakhtiga la soo kala baxo ee musharixiinta madaxweynaha iyo Ku xigeenku dhamaystirmaan saddexda xisbiba inaanu sidan oo kale idiinku soo gudbin doono inay dadkooda la hadlaan dood toos ah.

Mahadsanidiin

Comments

comments