Somaliland: Haweenay Ajaanib Ah Oo Hargeysa Kiniisad Ka Furtay “Asal Ahaan Waxaan Somaliland U Imid Hawl Mutadawacnimo Ah,Waxaanay Ahayd Dib U Firista Kiniisada Cusub Ee Kaatoliga Oo Dib Looga Furay Hargeysa”.

Date:

Haweeney Ajaanib Ah Oo Madal Loo Dhan Yahay Ka Sheegtay Inay Hargeysa U Timid Furista Kiniisad Kaatolig Ah Oo Ay Ku Cibaadaystaan Dadka Diinta Kiristanka Haysta,Xukuumaddana Ay Taageero Ka Heshay

Gabadh magaceeda lagu sheegay Maril Fijo oo ka mid ah Shaqaalaha ajaanib ah ee Somaliland ku sugan oo ah Gabadh cadaan ah ayaa si cad u sheegtay inay Hargeysa utimid furis Kiniisad ay ku cibaadaystaan Dadka diinta Kiristaanka haysta ee Dalka Somaliland ku dhaqan waxa kale oo ay sheegtay inay ku guulaystay inay kiniisadaasi oo soddon sanno xidhnayd ay Albaabada u furto,waxa ay intaasi raacisay inay Ogolaanshiyo ka heshay Xukuumadda,iyadoo sheegtay inay hawlahaasi si mutadawacnimo ah u qabatay.
Gabadhan ayaa sidan ka sheegtay Madal ay iskugu yimaadeen Ajaanib kale,Aqoonyahano iyo Arday jaamacadeed oo lagaga hadlay mutadawacnimada iyo Horumarka Caalamiga ah,iyadoo ay ajaanibkii goobtaasi iskugu yimid uu mid waliba ka hadlay sababta iyo ujeedada uu Somaliland u yimid ee ujoogo.Hadaba Gabadhan oo uu Hadalkeeda inoo turjumay Wariye Eng Cabdishakur Dayib oo ka hawlgala Horn Cable Tv ayaa waxa hadalkeedii u horeeyay ka mid ahaa sidan“Mudnaan wayn ayay ii tahay inaan Somaliland u joogo laba Hawlood oo mutadawacnimo ah,Asal ahaan waxaan Somaliland u imid Hawl Mutadawacnimo ah,waxaanay ahayd Dib u firista Kiniisada cusub ee Kaatoliga oo dib looga furay Magaaladda Hargeysa,Taasi oo xidhnayd Soddonkii sanno oo la soo dhaafay”.
Iyadoo sharaxaad ka bixinaysa Sababta ay Dawlada Somaliland u ogolaatay inay Kiniisad laga furo Hargeysa ayaa waxa ay tidhi“Dawlada ayaa xaqiisatay in dalnimadoodu ay mihiim u tahay in Kiristaanka loo ogolaado meel ay ku caabudaan mad-habtooda kaatoliga,sidaasi awgeed Dawladu waxay noo ogolaatay inaanu dib u soo laabano oo aanu dib u furno Xarun kiniisad ah,oo kiristaanu ay ku cibaadaystaan”.
Haweenaydan ayaa sidoo kale sheegtay inay markii ay Guulaystay furintaanka Kiniisadaasi ay dib uga hawlgashay Dugsi Caafimaad oo kuyaal Magaaladda Hargeysa islamarkanaa ay imika Dugsigaasi wax ka dhigto,waxaana ay tidhi iyadoo arintaasi ka sheekaynaysa “Hawshaasi kiniisad markii aan dhamaystay kadib waxaan hadda si mutadawacnimo leh uga hawlgalaa Cisbitaal Jaamacadeed oo Hargeysa kuyaala,Maadaama oo aan shahaadada labaad ee Master-ta ku haysto Cilmiga caafimaadka”.
Gabo gabadii Hadalka gabadhani ajaanib ah ay kaga hadashay badheedhaheeda ay ku joogto Hargeysa iyo ogolaanshiyaha ay Xukuumaddu bixisay ee ku saabsan in Kiniisad Hargeysa laga furo waxa uu markhaati u noqonaya walaacyo hore looga muujiyay inay Shaqaalaha Ajaanibka ah ee Dalka ku sugan ay lug ku leeyihiin Faafinta Diinta Kiristaanka iyadoo dhawr jeer oo hore Culimadu farta ku fiiqday inay Hargeysa ka furan yihiin Xarumo Wacyigalin ah oo ku lug leh Diinta Kiristaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...