Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin Warar sheegaya in isaga iyo Koox uu hoggaaminayaa ay ku biirayaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
Wargeyska Madaxa bannaan ee Foore oo kasoo baxa Magaallada Hargeysa ayaa Cadadkiisii Shalay Sabtidii boggiisa hore ku daabacay dhaq-dhaqaaqyo siyaasaddeed oo laga dareemayo gobolka Saaxil, halkaasi oo uu sheegay inay ka socdaan abaabulka Jamaahiir uu hoggaaminayo Maareeyihii Awoodda Badnaa ee Dekedda Berbera Laga Bedelay Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo isu urursanaya sidii ay mar keli ah uga dhex hillaaci lahaayeen xisbiga Mucaaridka ee WADDANI. Warbixinta uu Wargeyska Foore qoray waxaa uu ku soo qaatay miisaanka siyaasiyiinta kasoo jeeda Saaxil oo kasokow gobolkaasi dhoollatus ku muujiyey cududa deegaannada kale ee dalka sida Hargeysa iyo Burco ay ku leeyihiin iyaga oo magaallooyinkaasna ka raacdaynaya sidii ay uga midho dhalin lahaayeen hankooda. Waxaanu Wargeysku farta ku fiiqay Cali Xoor-xoor oo uu ku tilmaamay in quwaddiisa siyaasadeed ee uu gobolka Saaxil iyo guud ahaanba dalka uu ku leeyahay ay tahay mishiinka dabada ka riixaya jamaahiirtan.
Jawaabta Cali Xoor-xoor Ka Bixiyey hadal-haynta Abaabulkan
Maareeyihii hore ee dekedda Berbera laga Bedelay Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo isagoo wakhtigan ku sugan magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu doonayo inuu uga sii baxo dhinaca waddanka Malaysiya waxaa uu ka hadlay arrintan, waxaana mar uu degellada wararka Internetka Somaliland gaar ahaanna mareegta Mandheera.com uu u warramay sheegay inaanay waxba ka jirin Wararkaasi. “Anigu hadda waxaan joogaa Addis Ababa oo aan rabo inaan uga sii baxo dhinaca dalka Maleysia, waxaanan ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo aan ka tirsanahay, mana jirto baahi iyo sabab aan uga baxo Xisbigayga una tago Xisbi Mucaarad ah ama WADDANI ha ahaado ama mid kale ha ahaadee, Warkaas la ii soo sheegay ee Wargeyska Foore qorayna waxba kama jiraan ee waa war been-abuur ah.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Cali Xoor-xoor.
Waxaanu intaas ku daray; “Waxaan ahay Qofkii ay Madaxweynaha Somaliland isugu dambeeyeen markii uu ambabaxayey, waxaanan mar labaad iyo mar saddexaadba caddaynayaa inaanay jirin baahi iyo damac aan uga tago Xisbigayga Kulmiye oo aan u galo Xisbi Mucaarad ah.” “Markaa, Anigu Nin WADDANI iyo Xisbi kale toona u socdana ma ihi, mana jirto baahi aan Xisbi kale ugu biiraa, ee waxaan ahay Xubin Kulmiye ah, waxaanan sii ahaanayaa Kulmiye, warkaasina waa been aan sal iyo raad toona lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor)