Xoghayaha Waddani “Kulmiye & Madaxweynuhu Waxay Far Waaweyn Inoogu Qoreen In Aanay Hargeysa Horumar La rabin..”

Date:

Waxa Qoray Khadar Xuseen Cabdi xoghayaha Xisbiga WADDANI

Xisbiga KULMIYE & hoggaankooda oo uu Madaxwaynuhu ugu horreeyaa waxa ay far waawayn inoogu qoreen oo inoo sheegeen in aanay Hargeysa aragti horumarineed haba yaraatee u haynin, waxa ay inoo sheegeen in aanay dooneyn in Hargeysi hore u socoto, waxa ay inoo sheegeen in ay ku faraxsanyihiin godadka waaweyn ee wadooyinka ka jeexan, xashiishka badan ee tuulan magaalada dhexdeeda & dayaca guud ee ka muuqdaba caasimadda guud ahaan.

Intaasiba waxa ay inoo sheegeen marka ay Duqii siddeeda sannadood joogay oo aan la mahadin ay dib u soo sharraxeen!!, iyaga agtooda mayor-ku waa nin guulaystay, haddii kale sooma ay celiyeenba oo mar kale inama ay hor keeneen, waxa aan qabaa in aanay inaga xishoon oo damiirkeenna & dadnimadeena xallanba ay ceeb ku tahay in aan qof aan hubno inuu ku fashilmay horumarinta caasimaddeenna mar labaad Xisbigaasi soo sharraxo.

Laakiin waxaa laga yaabaa in waxa ay rabaan iyo wax aan rabno ay kala duwan yihiin, muwaadin Hargeysi hiil ayay kaaga baahantahay ee ugu hiili codkaaga oo dooro dad u qalma in ay magaaladeenna hoggaamiyaan oo karti, aqoon, hufnaan iyo daacadnimo leh, muwaadin tus oo u sheeg Madaxwaynaha iyo Xisbigiisa fashilan in aan garaadkeenu daxalaysan oo aynaan aqbaleyn waxa aynaan u qalmin, maanta uma qalanno in Mayor Solteco la inagu soo celiyo.

FG: Waxaa mahadsan Duq kasta oo la tijaabiyey oo gartay in uu dadka dhiggiisa ah fursad siiyo, si gaar ah Mayor Muraad baan hambalyeynayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...