Guddoomiyaha xisbiga talladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi ayaa taageereyaasha xisbigiisa u sharaxay qorsheyaashii waxqabad ee uu dalka ku dhaqi doono haddii loo doorto madaxweynenimadda Somaliland bisha March 2017.

Sidaasna waxa uu ku sheegay khudbad uu ka jeediyay dalka Ingiriiska oouu bulshadda Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska ugu caddeeyay qoddobada uu awooda saarayo.

Mar uu ka hadlayay tabashadda goboladda Sool, Awdal iyo Sanaag barri, waxa uu sheegay in la sixi doono waxay tabayaan “Waxa la sixi doona tabashadda gobollada Sool, Sanaag bari iyo Awdal wixii ay tabanayaan ee xil ah ee awood ah waxa laga jari doonaa oo dhulka dhigi doona gobollada wax laga soo maaxiyo.”

Comments

comments