Somaliland: Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Rabshadaha Itoobiya, Kana Digay Muranka Dhulka

Date:

Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Rabshadaha Itoobiya, Kana Digay Muranka Dhulka

Hargeysa (Burcoonline)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), ayaa ka hadlay qalalaasaha iyo kacdoonada ka socda dalka Somaliland la jaarka ah ee Itoobiya, isagoo ka hadlay hadlay saameynta ay kacdoonadaasi ku yeelan karaan Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafyada dhulka iyo dhibaatada ay ku hayaan dadka, waxaanu Siyaasiyiinta kala duwan ee dalka ugu baaqay inay danta qaranka ka shaqeeyaan oo wixii lid ku ah iska dayaan, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya rabshado Axadii ka dhacay Wajaale uu yidhi “Laba qof baa ku dhintay Wajaale ILLAAHAY ha u naxariisto, qof dhaawac dhintay, iyo qof markii hore dhintay, khilaafyada dhulka waa dhibaatooyin taagan, oo dalkoo dhan ka taagan, dhulkana khilaafadkiisi baa batay, Dawladduna hadda wixii dhiba ah ee dhaca gacanta ayey ku qabanaysaa, oo hadeerna gacanta ayey ku haysaa arinta Wajaale ee Dhulka, dadkana waxaan ku waaninayaa oo aan u jeedinayaa in cudurkan dhulka ee dadkii dhibaatada ku noqday ee dadkii iska hor keenaya, in la iska ilaaliya, oo laga feejingaado”

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay qalalaasaha ka socda Itoobiya iyo sameeynta ay ku yeelan karto Somaliland ayaa ku jawaabay “Itoobiya waxaan ugu baaqaya in khilaafadkaas iyo burburku sababayo in laga digtoonado, dadkeenana waa inay ka feejinaadan, oo taxadir badan laga qaato, oo aanu saamayn inagu yeelan, oo dadka ka soo cararaya ee khilaafaadka ka soo baxaya ee dalka soo galaya lala socdo, in guud ahaan aynu ka taxdirno, oo aynu dalkeena ilaashano ayaan ku talin lahaa”

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay Siyaasiyiinta Axsaabta iyo dhaliilaha ay isku jeediyaan ayaa ku jawaabay “Siyaasigu waxa uu Siyaasi ku yahay marka uu dalkiisa iyo dadkiisa ka hadlayo, oo aragtida uu dalkiisu ku hagaagayo uu soo bandhigo,kaas ayaa Siyaasiya,balse Siyaasi dalkiisa burburinaya Siyaasi maaha, lagumana sifeeyn karo Siyaasi, markaas waxaan Siyaasiyiinta kula talinayaa in danta dalka ka hadlaan, oo wixii dan ah ee dalku ku hagaagayo ka hadlaan, oo aanay ka hadal wax qaranka lid ku ah kana hor imanaya qaranimada dalka

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...