Somaliland: Madaxweyne ku-xigeenka Oo Si Kedisa Uga Soo Dhex Muuqday Hotel Yar Oo Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

????????????????????????????????????

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland ayaa shacbiga caasimada qaybo ka mida shalay kala qadeeyey Asli Restaurant oo ka mid ah goobaha laga cunteeyo ee magaalada Hargeysa ugu mashquulka badan.

Madaxweyne ku xigeenka oo ku gudo jiray kormeer hawleed la xidhiidha dhismaha wadooyinka iyo wershada dawlada hoose ee Hargeysa ay hirgelisay, ayaa madaxweyne ku xigeenku waxa uu soo maray kana qadeeyeen Asli Restaurant oo ka soo horjeeda rugta booliska ama xarunta Taraafikada ee galbeedka hargeysa isaga iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminaayey kana mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa, Maayar ku xigeenka Caasimada, Wasiirka Arrimaha gudaha, wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada, Wasiiru Dawlaha Biyaha, wasiirudawlaha Arrimaha dibeda, wasiir ku xigeenka qorshaynta Qaranka, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Goobtaasi oo ahayd goob ganacsi balse aanay shacbigu ka filayn in madaxweyne ku xigeenku si kedisa uu ugu leexdo kana qadeeyo taasi oo shacbigii ku sugnaa goobtu ay aad u soo dhaweeyeen ku simaha madaxweynaha, waxa sidoo kale dareenkeeda ka hadashay mulkiilaha Asli Restaurant oo uga mahadnaqday madaxweyne kuxigeenka inuu ku soo baydho shacbigiisana uu la qadeeyo, waxaanay sheegtay in markii ugu horaysay ay tahay in wefti intaa leeg oo ka socda xukuumada hogaaminayana madaxweyne ku xigeenku ay soo maraan hotel kaasi.

Tallaabadan madaxweyne ku xigeenku qaaday ayaa ah mid ka turjumaysa in xukuumaddu tahay xukuumad la jaanqaaday dadkeeda goob kastana ka war haysa sida ay u socoto hawl maalmeedkeeda, oo ilaa madaxweyne ilaa shaqaale hoosaadka ka hawlgala goobaha dawladu ay yihiin kuwo qayb ka ah horumarka iyo dedaalka xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Silaanyo ay hormuudka ka tahay.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

11

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Comments

comments