Koox Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Mid Ka Mid Ah Magafayaasha Saxaraha Liibiya Ku Sii Silciyay Gacanta Ku Dhigay Una Dhiibay Booliiska Talyaniga

Soomaali isa soo aruursatay ayaa waxa ay soo ogaadeen in uu dalka Talyaaniga soo gaadhay Magafe caan ka ahaa gudaha dalka Liibiya kaas oo dhibaatooyin kala duwan u soo geeystay waliba in mudo ah ku silcin jiray Saxaraha iyo dalka Liibiya Dadka Tahriibayaasha ah,iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay naxariis darada uu ninkaasi kula dhaqmayay Dadka tabaalaysan ee Halkaasi soo maray. Magafehan oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil waxa uu ka tirsanaa kooxda loo yaqaan Magafe ee dadka Tahriibisa ee ku filiqsa Dadka Liibiya,waana Soomaali inta badan loo soo adeegsan jiray Soomaalida kale si uu u silciya,sidoo kale U Turjumo oo uu ula hadashiiyo Dadkooda si lacagta loogu soo diro. Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ku sugan Dalka Liibiya oo Rag iyo Haween iskugu jira oo Ninkaan soo weerartay ayaa waxa ay sheegeen in uu ku soo silciyay gudaha dalka Liibiya ayna Maxkamad caalami ah la tiigsan doonaan oo ay ka hor cadayn doonaan Falalkii dhagaraysnaa ee uu Ninkaasi u gaystay Soomaali badan oo uu tahriib ku soo martay Libiya. Ninkan Magafe ah oo maalin cad lagu dhex garaacay magaalada Milaano ee Dalka Talyaaniga ayaa waxaa kiiskiisa la wareegay ciidamada Booliiska dalka Talyaaniga kuwaas oo baaritaano hor dhac ah ku haya, waxaanay hore u sii kaxeeysteen dhalinyaro fara badan oo Wiilal iyo Gabdho iskugu jira si ay Maxkamada uga hor cadeeyaan dambiga loo haysto Ismaaciil Magafe oo aad ay wajigiisa ka muuqatay murugo iyo filan waa uu la kulmay waxaanu ka filayn Talyaaniga. Warkan ayaa intaa ku daray in Ninkani ka Tahriib ku galay Dalka Talyaaniga islamarkaana uu u sii dhaafayay dhinaca wadamada kale ee Qaarada Yurub kuyaala.

Comments

comments