Wararka naga soo gaadhaya degmada Gar-adag ee gobolka sanaag ayaa sheegaya in Meherado ganacsi oo ku yaal gudaha magaalada Gar-adag ee gobolka sanaag in la boobay hantidii hoos tiilay,sidoo kalena la gubay beero ku yaal duleedka magaaladaas.
Wararku waxay intaas ku darayaan in goobaha la boobay iyo beeraha la gubay ay leeyihiin mid ka mida labadii beelood ee dhowaan colladu ku dhex maray deegaanada degmada Ceel-afwayn.
qaar ka mida Odayaasha degaankaas oo ka xumaaday talaabadan ayaa la sheegay inay xidheen ilaa labaataneeyo qof oo la sheegay inay arintan lug ku lahaayeen ,balse wararka ka imanayaa degaankaas waxay tibaaxayaan in xataa dadkii meheradahooda ganacsi la boobay la xidhay.
ma jirto ilaa hada masuuliyiin dawladeed oocka hadashay arintan foosha xun leh ee ka dhacdey degmada gar-adag, waxayna ku soo beegmaysaa wakhti uu magaalada Celefweyn ku sugan yahay Wasiiru dawlaha arimaha gudaha Somaliland,kaasoo la sheegay inuu ku mashaquulsan yahay arimo kale,uuna ka mashquulay heshiisiinta labada beelood ee colaadu ka dhex aloosan tahay.
dadka ku dhaqan degaamadaas ayaa walaac xoogan ka bixiyay inay arimahan sii hurin doonaan colalada ka taagan degaankaas ee xukuumadu xalkeeda ka war -wareegayso.