Somaliland: Xidhiidhka Cusub ee Somaliland & KENYA Iyo Madaxwayne Kuxigeenka Dalkaas Oo La Sheegay Inuu Booqasho Ku Iman Doona Hargeysa

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Meru o Xaqiijiyey Inuu William Rutto Somaliland Iman Doono Dhamaadka Bisha Septemper

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya William Rutto ayaa la sheegay inuu dhamaadka bishan aynu ku jirno ee September booqasho ku iman doono Somaliland.

Booqashada William Rutto ayaa la sheegayaa inay qayb ka tahay xidhiidhka cusub ee dhinaca ganacsiga ee u bilaabmay Somaliland iyo Kenya, waxaana la filayaa in booqashada madaxwayne kuxigeenku wax wayn ka bedeli doono xidhiidhka dhabta ah ee u dhexeeya labada dal.

Wararka la xidhiidha booqashada William Rutto ayaanay labada dawladood wax war ah oo rasmi ah ka soo saarin, hase yeeshee waxaa la filayaa inay dhawaan ka hadli doonaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Meru ee dalka KENYA Peter Munya ayaa arrinkan xaqiijiyey mar uu difaacayay booqashadii uu ku yimi magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaana uu ku faanay in booqashadii uu Hargeysa ku yimi ka saamayn badnaan doonto tan uu Madaxwayne kuxigeenka dalkaasi ku iman doono Somaliland.

Peter Munya waxa uu bishii July yimi magaalladda Hargeysa, waxaana ay dawladda Somaliland ka wada hadleen sidii ay isugu bedelan lahaayeen ganacsiga qaadka iyo ictiraaf Somaliland ka hesho Kenya.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...