Boqoradda Ingiriiska Oo Walaac Ka Muujisay Gadhka Uu La Baxay Wiilka Ay Ayayda U Tahay Ee Amiir Harry

Date:

Boqoradda wadanka Ingiriiska Queen Elizabeth II ayaa walaac weyn ka muujisay si weyna uga cadhootay kadib markii wiilka ay ayayda u tahay ee Amiir Harry uu gadhka la baxay, waxaanay farriinteeda dhinaca qoyska ee sannadka cusub ku sheegtay uguna dirtay Amiir Harry in uu si degdeg ah gadhkiisa makiinad u mariyo oo u xiiro, balse amarkaasi waxa dhagaha ka furaystay Amiirka Afraad ee dhaxalka boqortooyada iska leh Amiir Harry oo ah wiilka labaad ee ay ka tagtay Amiiraddii Dianna. Amar boqortooyo oo sannadka cusub ka soo baxay xafiiska Boqoradda Elizabeth II ayaa lagu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan Amiir Harry lo amrayo in uu gadhka isaga xiiro aadna ay u dhibsanayso in ay aragto wiilka ay Ayeyda u tahay oo gadh la baxay.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii Prince Harry oo ka soo laabtay safar dalxiis oo uu ku tagay Cidhifka Koonfureed ee Barafka ah ee dunida oo uu isa soo taagay xaflad dhawaan lagu qabtay Xarunta Boqortooyada dalka Ingiriiska lana arkay isaga oo cadh la baxay lehna muuqaal aan hore looga baran. Sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da u qaabilsan wararka Boqortooyada Britain ayaa sheegaya in Amiir Harry uu ku gacan saydhay dalabkii uga yimid Ayaydii ee ay ku doonaysay in uu gadhka si dhakhso ah isaga xiiro isaga oo farriin qoraal ah o uu soo saaray ku sheegay in aanu gadhka iska xiirayn una arko caado soo jireen ah oo ku soo taxnayd noloshii hore ee qoyska reer boqor ee wadanka Britain waxa kale oo uu sheegay in uu kaliya gadhkiisa ku xiiri karo haddii ay ka dalbato gabadha ay isku cindan yihiin ee Cressida Bonas oo 24-jir ah. “Dalabka iyo Amarka Ayayday waan ixtiraamayaa balse am doonayo in aan imika xiiro gadhkayga. Waa caado soo jireen ah oo aanu dhaqan u lahaan jirnay boqolaal sano. Gadhku waa sharaf waxaanan xiiri doonaa haddii ay saaxiibaday iga codsato oo kali ah” ayuu Prince Harry ku yidhi qoraal uu kaga jawaabayay dalabka Ayaydii Boqorad Elizabeth.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...