Xog Culus: Ninkii Fuliyey Dilkii Daldalaadda Ahaa Ee Saddaam Xuseen Oo Ka Xog Warranmay Sida Falkaasi U Dhacay – Sannad Guurada 10aad ee Dilkii Saddaam Xuseen….Q:1aad

La taliyihii hore ee Amniga Qaranka Wadanka Ciraaq Mawfiq Al-rabiici ayaa markii ugu horraysay si aad u faahfaahsan warbaahinta uga soo muuqday isaga oo xafiiskiisa gaarka ah ku sugan oo xagga dambe dhigtay Taallo muujinaysa Kurka Madaxweynihii hore ee wadanka Ciraaq Saddaam Xuseen oo qoorta loo galiyey xadhigii lagu deldelay miridhadii ugu dambaysay ee noloshiisa isaga oo Ninkan Mawfiq Al Carabi ahaa ninkii isagu fuliyey ee saxeexay go’aanka lagu deldelay Saddaam Xuseen hogaamiyahana ka ahaa kooxdii falkaasi fulisay. Sawirkan laga diyaariyey Taallada Muujinaysa Madaxa Saddaam Xuseen oo xadhigii lagu deldelay qoorta u sudhan yahay ayaa la qaaday subaxnimadii Dilka Daldalaadda ah lagu fuliyey Madaxweynihii Digtaarooriga ahaa ee Saddaam Xuseen. La Taliyihii hore ee Amniga qaranka Wadanka Ciraaq Mawfiq Al-rabiici oo ku sugan Xafiiskiisa gaarka ah oo ku yaalla magaalada Kaadimiya ee Woqooyiga Ciraaq ahaana ninkinkii isagu ka masuulka ahaa fulinta Dilkii Daldalaadda ahaa ee lagula kacay Saddaan Xuseen ayaa si kalsooni badani ka muuqato waxa uu u ogolaaday waraysi iyo sawiro uu saxaafadda siiyo isaga oo ku sugan xafiiskiisa oo ay xagga dambe ka xigto taallo muujinaysa kurkii saddaam Xuseen oo uu qoorta kaga xidhan yahay xadhigii lagu daldalay. Xafiiska Mawfiq Al-rabiici ee ku yaalla Magaalada Kaadimiya waxa uu dhawr tallaabo oo kali ah u jiraa masaafo ahaan goobtii lagu fuliyey falkii Daldalaadda ahaa ee lagu khaarajiyey Madaxweynihii hore ee wadanka Ciraaq Saddaam Xuseen, iyada oo ay maalinta ciidda ee innagu soo foolka leh ku beegan tahay sannad guuradii 10aad ee Dilka Hogaamiye Saddaam Xuseen. iyada oo dilka Saddaam Xuseen ku beegnaa maalintii Ciiddii Al Adxa ee sanadkii 2006.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa dhawaan booqasho ugu tagay La Taliyihii hore ee Amniga Qaranka wadanka Ciraaq Mawfiq Al-rabiici oo wakhtigaasi ku sugnaa xafiiskiisa gaarka ah ee Magaalada Kaadimiya waxaanu halkaasi kaga soo qaaday waraysi dheer oo uu kaga warraystay habkii uu dilkaasi u dhacay. Wariyaha ka socday wakaaladda wararka ee AFP ee booqashada ugu tagay Al-rabiici oo ka warramay sidii uu ahaa jawiga Alrabiici markii uu xafiiskiisa ku booqday ayaa yidhi: “Waxa uu xidhnaa Shaadh Cad iyo Suudh Madaw oo Tay Weheliyo aadna u qurux badan. Waxa intaa u dheeraa kabo dhaadheer oo aad mooddo kuwii askarta. Mawfiq Al-rabiici oo maalmaha qaarkood ahaa sarkaal sare oo awood badan ayaa wali ah nin qab weyn oo aad isugu kalsoon. Waxa uu ku fadhiyey markii aan xafiiska ku booqday kursi aad u qurux badan oo dhexda u yaalla xafiis habaysan oo aad mooddo in uu ku yaallo dhisme wasaaradeed ama xarun dawladeed oo aad u qalabaysan. Kalsooni darteed waxa uu kolba dhinac isugu leexineyey kursiga uu ku fadhiyey. Waxa uu indhaha ku sitay Muraayad khafiif ah oo aan odhan karo waxa ay ahayd tii aragga. Salaan iyo is barasho kooban kadib waxa aan ku war geliyey in aan waraysi ka qaadayo, si kalsooni leh ayaanu u ogolaaday isaga oo waliba iga ogolaaday in aan sawiro ka qaato.

La Soco Berri Insha Allah

Comments

comments