Xukun Lagu Riday Tuug Xaday Dabmas Ka Hadhay Maydka Askari Ka Qayb Galay Dagaalkii Labaad

** FILE ** Nazi German soldiers armed with rifles and grenades rush forward into action against Red Army positions, at an unknown location along the frontlines, during the Nazi German invasion of the Soviet Union in this October 1941 file photo. On Thursday, June 22, 2006, Russians will mark the 65th anniversary of Nazi invasion. War memories remain strong in Russia: Soviet losses reached 27 million people, touching almost every family.(AP Photo/File)

Maxkamad ku taalla wadanka Ingiriiska ayaa xukun xabsi ah oo dhan 20 Bilood ku riday nin tuug ah oo la sheegay in uu xaday weel yar oo uu ku jiro dambas ka hadhay maydka askari Ingiriis ah oo ka qayb galay dagaalkii labaad ee dunida kadib markii uu tuuggaasi ogaaday waxan uu sitaa in uu dambas yahayna ku riday salladda qashinka lagu rido, illaa imikana la la’ yahay weelkii yaraa ee uu dambaskaasi ku jiray. Sida uu ku soo warramayo wargeyska caanka ah ee Daily Mirror ee ka soo baxa wadanka Ingiriisku, James Grinod oo ah nin tuug ah oo caan ah muddo badana la raadin jiray isaga oo ku caan baxay tuugada guryaha ayaa lagu helay dambi ah in uu xaday weel yar oo daboolan oo macdani ah kaasi oo uu ku jiro dambas laga reebay maydka askari Ingiriis ahaa oo la sheegay in uu ka mid ahaa askartii ka qab gashay dagaalkii labaad ee dunida kaasi oo inta hadhaaga maydkiisa la gubay dambaskii ka soo hadhay weelkaasi lagu keydinayay si loo ilaaliyo xusuustiisa. Wargeysku waxa uu sheegayaa in askarigaasi ka mid ahaa dagaalyahanadii Ingiriiska ee ciidamada badda ee boqortooyada laguna magacaabi jiray John Clarkson kaasi oo dagaalka ku dhintay isaga oo 19-jir ah. Qoyska askarigaasi ayaa wargeyska Daily Mirror u sheegay in dambaska askarigaasi lagu keydinayay in muddo ah guri uu lahaa nin ay walaalo ahaayeen oo isaguna dhintay balse ay nool yihiin caruurtiisii, gurigaasi oo ah kan uu ninka tuugga ahi ka xaday dhawaan. Qaddiyadda arrinkan ayaa saxaafadda Ingiriiska si weyn loogu qaadaa dhigay iyada oo aan dalkaasi dadkiisu caado u lahayn in ay keydsadaan dambaska maydka dadka ee la gubo muddo badana la haysto.

 

Comments

comments