Mar kali ah ayay naxdin iyo af kala qaad ku noqotay shaqaale wakhtigaasi ka hawl galayay Telefishanka xarunta Bariga dhexe ee loo yaqaano MBC xaruntiisa labaad ee magaalada Riyaad, caasimadda wadanka Sucudi Carabiya markii uu xarunta Telefishanka si kedis ah u soo galay nin ku hubaysan baastoolad aadna u qalinaya isaga oo shaqaalaha Telefishanka ku fiiqaya Baastooladdiisa.
Ninkan oo ahaa muwaadin Sucuudiyaan ah ayaa isaga oo baastoolad ku hubaysan waxa uu isa soo taagay xafiiska wararka ee Telefishanka MBC oo ah telefishan laga leeyahay wadanka Sucuudiga xaruntiisa guudna ku taallao magaalada Dubai ee isu tagga Imaaraadka Carabta. Wargeyska Al-shuruuq oo arrintan layaabka leh wax ka qoray waxa uu sheegayaa in ninkii baastooladda sitay uu shaqaalaha mid mid ugu qabtay isaga oo ugu hanjabaya in uu dili doono haddii ay u soo dhawaadaan. Dhammaan shaqaalihii ayaa ku khasbanaaday in ay beerka dhulka dhigaan isna uu mid mid u hubsanayay isaga oo ku dhawaaqayay magaca mid ka mid ah hablaha Telefishankaasi ka shaqeeya oo la ogaaday in ninkani raadinayo balse aan wakhtigaasi ku sugnayn xarunta Telefishanka.
Haweenayda wariyaha ah ee ninkani caashaqay ee uu raadineyey ayaa lagu magacaabaa Qaadah Al Culaa waxaanay barteeda Twitter soo dhigtay war kooban oo ay ku sheegayso in ay nabad qabto ninkaasina ka badbaaday maadaama aanay wakhtigii ninkaasi soo galay xarunta MBC isaga oo hubaysan aanay joogin. Ilaalada Telefishanka ayaa goor dambe ninkii khasab ku kaxeeyey isaga oo ku cataabaya magaca Qaadah Al Culaa. Booliska ayaa baadhitaan ku wada sababta marka horeba keentay in nin hubaysani telefishanka MBC gudaha u soo galo ee ay ugu suurta gashay. Baadhitaan caafimaad oo hor dhac ah oo ninkan lagu sameeyey ayaa muujinaya in uu maskax ahaan isku buuqsanaa ninkani isna uu sheegay in uu aad u jecelyahay haweenaydan wariyaha ah ee uu baadi doonayay xalka kali ah oo uu ku gaadhi karaana ay noqotay in uu baastoolad qaato si uu shaqaalaha u cabsi galiyo iyana ugu ban dhigo jacaylka uu u qaaday ee ka dhashay daawashada shaashadda MBC (Middle East Broadcasting Center).