Trump Oo Ka Baxay Aqalka Cad Iyo Halka Uu Tagey !

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka tagay aqalkii caddaa ee uu ka arriminayey iyo Caasimadda Washington maalintii jimcihii ee dorraad. Trump ayaa waxa uu maqnaan doonaa muddo dhan 17 maalmood, Diyaarada madaxwayne Trump ayaa waxay ka kacday magaalada Washington  markii ay saacadu ahayd 20:00 GMT waxaanay diyaaradii qaadaysay Madaxwaynaha iyo ciddii kale ee wehelinaysay, waxaanay ka kictintay gegida Diyaaradaha ee Andrews Air Base waxaanay ka degtay Magaalada Morristown ee Gobolka New Jersey. Arrinta cajiibka ah ee socdaalka Madaxwayne Trump waxa laga dheehan karaa inay tahay inuu u kicitimay Naadiga uu isagu leeyahay ee ciyaarta Golf-ta ee uu waliba aadka u jecelyahay, Naadiga Trump National Golf ayaa waxa uu ku yaallaa Magaalada Damienster, sidoo kale aqalka cad ayaa dib u habayn lagu samaynayaa inta uu Madaxwayne Trump ku maqan yahay fasaxaasi, saxaafada Dalka Maraykanka ayaa aad u qaada dhigtay fasaxa Madaxwayne Trump waxanay shaaciyeen in Trump uu ka fasax badan yahay Madaxwaynihii hore ee Dalkaasi ee Barak Obama, iyadoo uu xilligii uu u tartamayay jagada Madaxwayne ee dalkaasi marar badan ku eedeeyay Obama inuu aad u fasax badan yahay waana arrinta sababta u ahayd in saxaafadu daba gasho fasaxa badan ee Madaxweyne Trump.

Comments

comments