Raganimooy Maxaad Yahay? ..Wax Ka Baro Xaqiiqooyinka Dhabta Ah Ee Raganimada Iyo Macnaheeda Rasmiga Ah

Date:

In badan shucuubta adduunka qaar ka mid ahi wakhtiyadii casrul jaahiliga waxa ay Ragannimada u yaqaaneen ad adayga iyo in ninka ragga ahi noqdo mid wax dila, wax dhaca, waxna booba. Qaar badani waxa ay ragannimada dhabta ah u yaqaaneen hadba sida ay raggu u kala dagaal-yahansan yihiin, u kala aftahanimo badan yihiin ee ay gabayga iyo shicirka ugu kala horreeyaan. In badani waxa ay ragannimada u yaqaaneen hadba sida ay raggu haweenka u kala jecel yihiin, u kala guursi badan yihiin, u kala hanti badan yihiin, una kala madaxsan yihiin ee ay talada uga ag dhaw yihiin. Hadaba mid ka mid ah faylasuufyada islaamka ee casrigan oo wax laga waydiiyey ragannimada dhabta ahi waxa ay tahay ayaa waxa uu ragannimada ku soo ururiyey qodobadan:

-Raganimadu: Waa Sharaf Iyo Go’aan Qaadasho Habboon!

-Raganimadu: Waa Naf-hurnimo Iyo Gacan Furnaan!

-Raganimadu: Waa Adiga Oo Wanaajiya Ka Ku Xumeeyey, Bartana Fanka Saamaxaadda!

-Raganimadu: Waa adiga oo dadka ixtiraam u muujiya, adiga oo fikirka kaa soo horjeeda ixtiraam iyo qaddarin u muujiya, kaagana sheegta oo badheedhihiisa dhiibta, isla markaana aan faro gelin ama wax dhib ah u arag ra’yiga ama fikirka kaa soo hor jeeda!

-Raganimadu: Waa Adiga Oo Xaqa Mar Walba Ku Addima Oo Ku Dhawaaqa Adiga Oo Aan Mid Wax Canaanta Canaantiisa Ka Baqayn!

-Raganimadu: Waa Shakhsinimada Wanaagsan Ee Dadka Xidhiidhisa, U Doodda Kuna Dhiirrada Wax U Qabashadooda!

-Raganimadu: Waa Adiga Oo Mid Kasta Xaqiisa Siiya Oo Aan Duudsiyin Ama Diidin!

-Raganimadu: Waa Akhlaaqda wanaagsan iyo hab-dhaqanka suubban, macaamilada wanaagsan iyo in ka cid walba ula dhaqama waxa uu ka mudan yahay iyo martabadda uu u gaadhsiisan yahay!

-Raganimadu: Waa Adiga Oo Dadka La Jeclaada Waxa Aad Naftaada La Jeceshahay!

-Raganimadu: Waa u gargaaridda midka dulman iyo qabashada midna daalimka ah ee wax dulmiyaya. Waa adiga oo gacan siiya midka laga gar daran yahay gacan bir ahna ku qabta ka gar darrada badan!

-Raganimadu: waa adiga oo caawiya una gargaara miskiinta tabaalaysan ee aan waxba haysan. Quudiya ka gaajaysan, ka dhargay ee kibirka badana u sheega in uu bixiyo!

-Raganimadu:  waa adiga oo garta heerka ay naftiisu gaadhsiisan tahay iyo martabadda ay taagan tahay, waa adiga oo is yaqaan sida ay dadku kuu yaqaanaan macno ma leh, balse waa adiga oo naftaadu waxa ay gasho iyo waxa ay guddo yaqaana!

-Raganimadu: Waa Adiga Oo Ilmada Ka Tira Dhabanka Ka Dunida Ku Ciillan Ee Cuqubada Tirsanaya!

-Raganimadu: Waa Adiga Oo Yaqaana Sida Dadka Loo Saamaxo Ee La Isaga Cafiyo, Waa Adiga Oo Cadhada Kantaroola Oo Is Qabta!

-Raganimadu: Waa Adiga Oo Habeenkii Seexda Oo Sariirta Taga Isaga Oo Faraxsan Oo Aan Dunida U Cadhoonayn!

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...